|

“Waxaanu Ka War Qabnaa In Komiishanku Meel Xafidan Ku Xidhay Kaadhadhkii Aanay Qaadanin Dadkii Is-diiwaangeliyey..” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani

Hargaysa 13. October 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Tirada Cod-bixiyeyaasha Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee uu shaaciyey Komiishanka Qaranku.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Tirada Cod-bixiyeyaasha Kaadhadhkooda qaatay ee haddii Alle yidhaahdo Codayn doona Doorashada soo socota.

Mr. Uur-Cadde wuxuu sheegay in Tirada Cod-bixiyeyaasha ah ee kaadhadhkooda qaatay yihiin kuwo Xisbiyadu ku kala bixi karaan “704,089 Cod-bixiye ma yara, Dadkuna dhibaatooyin badan baa soo maray, Dalkuna duruufo badan ayuu leeyahay, markaa waxaan qabaa in tiradaasi tahay tiro lagu kala bixi karo, Annaguna Xisbi ahaan kalsooni aad iyo aad ayaanu ku qabnaa, waanuna ku hambalyeynaynaa Komiishanka Dedaalka faraha badan ee ay qabteen iyo Ciddii ka qayb-gashayba, waana Horumar.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay sida loo Xafidayo 178 kun oo Kaadh oo Dadkii is-diwaangeliyey aanay qaadanin isla-markaana Komiishanka dib ugu soo noqday, “Kaadhadhka Dadkii is-diwaangeliyey aanay qaadan, waa muhiim waxaana Masuuliyaddaa Ummaddu saartay Komiishanka, Komiishanka Qaranka ayaana ka masuul ah Kaadhadhkaa soo noqday, iyagaana haya, waxaanuna ka war-qabnaa inay meel Xafidan ku xidheen..”

Comments are closed