“Waxaanu Idiin Wadnaa Madaxwayne Aan Lagu Qasbanayn Oo Aan Lahayn Cid Iga Reeba Iyo Cid Igu Balamiya Laakiin….”Hoggaamiye Xirsi DAAWO
Laascaanood 04 November 2017 (SDN/QJ):-Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan kamid ahaa Waftigii uu Hogaaminayey Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ee Socdaalka ku tegay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa khudbad u jeediyey Dadweynaha Reer Laascaanood oo maalintii shanaad la dabaal degayey Xisbiga Waddani.
Ugu Horayn Hogaamiye Xirsi ayaa shacabkii soo dhaweeyey uga mahad celiyey sida balaadhana ee ay soo dhaweeyeen waftigooda wuxuuna yidhi “ Dhalin yaro weel iyo caruurba waxan idinku salaamayaa salaanta Islaamka Salaan ka bacdi, Aad iyo aadbaan idiinku mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad u soo dhawyseen Xibiga Waddani iyo inaad doorateen xisbiga oo aad doorateen inaad isbedel dhalisaan oo Xisbiga Waddani ku dhalisaan adbaad ugu mahdsan tihiin way muuqataa shucuurtiina iyo darenkiinuba waanan idiinka mahad naqayaa mar iyo lababa” ayuu yidhi Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan
Isagoo Hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Hogaamiyuhu “Waxaan doonayaa runti inaan tilmaamo maalintii iigu danbaysey ee aan Laascaanood imaado oo aan Shan waddo dhagax dhigayney oo aan halkan marayn ee aan halkan idinkala hadaly.hadalkaygu wuxuu ahaa Xukuumadan aan ka midka ahay ka Xirsi ahaan anigu wan tegi doonaa Madaxwaynaha oo Ahmedina wuu tegi doonaa Dawladii hore ee Somaliyana way tagtay horumarku idinka tegi maayee horumarka ilaashada saw sidaa may hayn?