“Waxaanu gabagabadii goluhu isku raacay in 48 la keeno waxa loo xidhay Xildhibaanka” Maayarka Gabiley
Gebilay 02.Nov 2013 (SDN)- Golaha degaanka Degmada Gabilay ayaa maanta kulan aan caadi ahayn ka yeeshay Xadhig dhawaan loo gaystay Mid ka mida Xildhibaanada Golaha degaanka Gabiley.Gudoomiyaha Golahaasi Shucayb Maxamed Muuse oo Shir Albaabadu u xidhan yihiin oo goluhu yeeshay ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Goluhu khalad u arko Xadhig lagula kacay Xidhibaanka tirsan Golahaasi.
“Golahani waa Golihii la soo doortay, waa Golihii shacabka reer Gabiley inta badan bacadka u taagnaayeen. Waa Golihii ku yimid Qiimaha aadka u badan maadaama aanu ku iman Liis La qor-qoro ee uu Cod iyo tacab Umadeed ku soo baxay. Haddii uu Xildhibaan Dambi galo ama gudoomiyuhu dambi galo Sharcigaa Inoo sheegaya habka loo marayo. Waxaanu u Arkaynaa Xadhiga Xildhibaanku inuu yahay Khalad iyo Arin aan qaban Golaha iyo Xildhibaankaba, Markaas wuxuu Goluhu isla qaatay in Jawaab degdega laga bixiyo iyo in si degdega Golaha loo hor keeno wixii Gafkaas keenay. Goluhu wuxuu Codsanayaa in wakhti yar oo kooban wixii gafkaas keenay Golaha lagu hor keeno si aanay u dhicin in Xildhibaan ama Masuul xil haya inta la iska qabto la iska xidhin. Waxaanu gabagabadii goluhu isku raacay in 48 la keeno waxa loo xidhay xildhibaanka” Ayuu yidhi Maayarka Gabiley
Kulanka aan caadiga ahayn ee Golaha degaanka Gabiley ayaa ka dambeeyay Xadhig Ciidanka Boolisku kula kacay Xildhibaan XasanAw- Maxamed (Xasan-dhagjar) Xisbiga Waddani Golahaasi uga soo baxay. Xildhibaanka ayaa la sheegay in Xukumaddu ku Eedaysya inuu ka dambeeyay Mudaharaad dhalin yaro ka cadhaysan shaqaalaha diwaan galinta oo saamigooda laga siin waayay ka dhigeen Gabiley. Ilaa 11 Xildhibaan ayaa iyana iskood isku xidhay iyagoo habeen jeelka u wada hoyday.
Gebilay SDN.
Qurbejoog.com