“Waxaanu Doonaynaa Sidii Aanu Keydka Xogtooda Shaqaalaha U Xaqiijin La Heyn Una Xalili La Heyn Inay Mustaqbalka Noqdaan Kuwo Loo Kordhiyo Waxyaalaha Ay Qaataan Iyo Gunooyinkooda “ Wasiir Cabdi Aw Daahir
Hargeysa 17.June 2015 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka dhawaajisay inay arin ahmiyad weyn u leh Shaqaalaha dawladda u shaqeeya fulinayso, taasi oo ah sidii ay Mushahaaraadkooda iyo Gunooyinkooda si Cadaalad ah oo derooyin kala leh qof kasta u kala helaan, waxaanay dawladdu sheegtay inay wadaan hawlo lagu Xaqiijinaayo tiradda iyo Tayadda Shaqaalaha Dawladda loo kobciyo Aqoontooda iyo Derejooyinkooda shaqo.
Wasiirka Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir, ayaa ka hadlaayey Daahfurka Carwadda Shaqo Abuurka Dhalinyaradda oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa, ayaa ka hadlay tiradda rasmiga ah ee Shaqaalaha iyo Ciidamadda Qaranka ee wakhtigan dawladda u diwaangashan ee mushahaarka ka qaata, waxaanu sido kale sheegay inay waddaan shawlo lagu hubinaayo xogta rasmiga ah ee Shaqaalaha Dawladda iyo Xaqiijinta tiraddooda si looguna Cadaalad sameeyo Mushahaarka, gunooyinka iyo Tababaradda aqoontooda kor loogu qaadayo intaba.
Dr Cabdi Aw Daahir oo ugu horeyn faahfaahin ka bixinaayey faa’iidada goob Shaqo doon la yidhaahdo oo Wasaaraddu u sameysay inay dhex u noqoto Shaqaalaha dalka ka hawlgala iyo Shirkaddaha ama Loo shaqeeyayaasha si ay xaqooda u kala helaan waxaanu uu yidhi “Wasaaradda shaqadda iyo arimaha Bulshaddu waxay leedahay goob la yidhaahdo goobta shaqadoonka , marka waxaanu doonaynaa in aanu halkan kaga dhawaaqno goobta shaqadoonku waa goob ah wakiilka isku xidhka shaqo doonka iyo loo shaqeeyaha waana Biriishka isku xidhkooda labadaasi dhinac ,hadii aanu nahay dawladda iyo shirkaddaha waxaanu doonaynaa in aanu xoojino Biriishkaasi oo Biriishkaasi hadii uu noqdo mid Liiq Liiqanaaya waxa uu noqonayaa mid qofkii soo fuulaba la degaaya hadii uu noqdo Biriish adagna waxa maridoona dad faro badan iyo iyo Gaadiid culus intuba way mari doonaan waana in aynu adkaynaa Biriishka u dhexeyn doona Shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha, Siyaasadda 1aad ee aanu doonayno in aanu hirgelinaana waa taasi”
Hargaysa SDN/QJ