“Waxaanu Diyaarinaynaa Guddi Heer Qaran Ah Oo Wasaaradaha Kala Shaqeeya Anshax-marinta iyo Abaal-marinta..” Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha
Hargaysa 14. April 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmaarke Muxumed Geelle, ayaa ka hadlay Qorshe ay ku samaynayaan Guddida Heer Qaran ee Abaal-marinta Shaqaalaha Dawladda ee sida wanaagsan uga soo baxa Waajibaadkooda Shaqo.
Guddoomiye Sharmaarke wuxuu sheegay in Hay’adda uu Madaxda ka yahay ee Shaqaalaha Somaliland doonayso inay samayso Guddi heer Qaran ah oo Masuuliyaddoodu tahay inay Wasaaradaha Dalka kala shaqeeyaan Dhiiri-gelinta iyo Abaal-marinta Shaqaalaha, si Shaqaalaha Dhexdoodu ugu tartamayaan Shaqo Wanaag.
Guddoomiyaha oo Khudbad ka jeediyay Munaasibad loo qabtay Abaal-marinta Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha guud oo Shaqo-wanaag muujiyey, ayaa yidhi “Haddaanu nahay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, waxaanu diyaarinaynaa Guddida Heer Qaran ee Abaal-marinta si ay ula shaqeeyaan Guddiyada Heer Wasaaradeed ee Abaal-marinta, waxaanu diyaarin doonaan Nidaam Cad oo loo tartamo.”
Guddoomiye Sharmaarke Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Waxaanu diyaarinaynaa Guddi heer Qaran ah oo Guddiyada Wasaaradaha kala shaqeysa Anshax-marinta iyo Abaal-marinta, Waayo? Shaqaalaha Dawladda ma doonayno in lagu Tacaddiyo, iyaguna inay Shaqada ku tacaddiyaan dooni mayno, in la Abaal-mariyo, in la dhiiri-geliyo, oo aynu ugu dambayn gaadhi karno Shaqaalihii Sannadka ama in Qofku uu mar ka mid noqdo Shaqaalaha Sannadka. Waxaanu doonaynaa Somaliland qurux badan, idinkaana gaadhsiin kara oo u hagar-baxa.”ayuu yidhi.