“Waxaanu Aaminsanahay in Dagaalka Kisimaanyo ay ka danbeeyeen Dawlada Federaalka Somalia, Punt landna Waxay ka Fiirsanaysaa Wada Shaqaynta ay la leedahay” M.weyne Xigeenka Punt land {DHAGAYSO}
Garoowe 09.June (SDN) Madaxweyne ku Xigeenka Punt land C.samad Cali Shire ayaa dawlada Federaalka Somalia ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sh.Maxamud waxa uu ku eedeeyay inay ka danbeeyeen dagaaladii dhawrkii Cisho ee u danbeeyay ka Socday Magaalo Xeebeedka Kisimaanyo .
Madaxweyne ku Xigeenka Punt land waxa uu ku dooday in dawlada federaalka Somalia ay tahay mid u Ooman dhiiga Soonaaliyeed oo daata ,Waxaanu Cadeeyay in taas badalkeeda ay Maamul Goboleedka Puntland ka Fiirsanayso hadii Dawlada Federaalku ka Waantoobi Weydo Falalka ay Isaga Hor keenayso Bulshada inay Jari doonaan Xidhiidhka wada Shaqayneed ee ay la lahaayeen .
Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Samad Cali Shirre iyo wafti la socday oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ,Iyagoo in muddo ah ku maqnaa magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari,Iyo Magaalada Qardho oo ay Kulamo kula Soo Yeesheen Waxgaradka Gobolka Kar Kaar.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CabdisamadCali .mp3″]
Garoowe SDN.
Qurbejoog.com