|

‘’Waxaanan idiin sheegayaa anagu aad baanu u naqaanaa shaqada KULMIYE oo aad baanu idiin la soo jeedaynaa imikana Anigu maba seexdo oo waynu iska dhicinaynaa KULMIYE’’ Siyaasi Ismaaciil Yare DAAWO

Hargaysa 02. August 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan oo Ku magac dheer (Ismaaciil Yare) Isla markaana ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo la hadlayay Taageerayaal ku soo biiray Xisbigaas oo Xafladooda lagu qabtay Degmada Allay Baday ee Gobolka Gebilay ayaa sheegay in Somaliland aanay maanta isku dooran doonin Mujaahidnimo.

Siyaasi Ismaaciil Yare waxa uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigeeda Kulmiye ay booraan ku rideen Caddaaladii isagoo arrimo kala duwan ka hadlaya waxa uu yidhi – “Waa noo farxad in walaaleyaal aad maanta Xisbiga nagu la soo biirtaan, waxaanan idiin sheegayaa anagu aad baanu u naqaanaa shaqada KULMIYE oo aad baanu idiin la soo jeedaynaa imika na anigu maba seexdo oo waynu iska dhicinaynaa KULMIYE. Xukuumaddan KULMIYE na waxba idiin ma hayso maanta, waxaad kaga quusataan in aanay cadaalad haynin maanta Xirsi oo qalinka gacanta ku haystay baa iskaga soo dhaqaaaqay, dalka na maanta Mujaahidnimo la iskuma dooranayo qofka ina hoggaamin karaana waa Cirro..”. Ayuu yidhi Siyaasi Ismaaciil yare.

Comments are closed