|

“Waxaan Uga Mahad Celinayaa Marwadda Madaxweynaha In Aannu Ka Talogelinay Ama Ay Gacanta Ku Hayso Xeerkii Wershadaha” Wasiirka Wershadaha

Hargaysa, 23 August, 2016-(SDN/QJ): – Weedho ka mid ahaa hadal uu jeediyay Wasiirka Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse ayaa noqday qaar goobaha lagu kulmo ka abuuray dood, isla markaana su’aalo layska waydiinayay fasirka weedhahaa oo wasiirku ku soo hadal qaaday Marwadda Madaxweynaha Marwo Aamina Weris Sh. Maxamuud Jirde, mar uu khudbad ka jeediyay munaasibad.

shucayb-1Weedhahaa Wasiir Shucayb oo muuqaal ahaan lagu faafiyay shabakadaha Internetka iyo baraha bulshada, Isagoo munaasibad wasaaradiisa la xidhiidha khudbad ka jeedinaya wuxuu yidhi; “Ka wasaarad ahaan runtii aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa, waxaan uga mahad celinayaa mar walba Marwadda madaxweynaha somaliland in aanu ka talagelinay ama ay gacanta ku hayso xeerkii hormarinta wershadaha, oo… aanu ka sugayno, sida ugu dhakhsaha badanna loo horgayn doono golaha wasiiradda.”

Inkastoo ay fasirayaasha qaar rumaysan yihiin in Wasiirku uga dan lahaa erayadan mahadnaq iyo amaan si la mid ah sida looga bartay madax kale oo xukuumadda ka tirsan, haddana, haddii ujeedkiisu sidaa ahaa macnahoodu wuxuu u dhadhamayaa mid ka soo hor jeedda wuxuu u jeeday. Sidaa daraadeed, waxay iswaydiintu noqonaysaa, weedhahani maxay inoo sheegayaan?

Comments are closed