“Waxaan uga digayaa in ay ku milmaan Loolanka Siyaasadda iyo Tartanka Xisbiyada Qaranka. Waxaan uga digayaa qabyaaladda, iyo inay ku kacaan falal qarankan dumin kara.” Madaxweyne Siilaanyo DAAWO
Hargaysa 06.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Shaqaale Weynaha Dawlada Wuxuu si adag ugaga digay inaanay ku Milmin dhinacyada Siyaasada ee Loolanku u dhexeeyo Waxaa kale oo uu iftiimiyey Mudadii 6 Sano iyo 3 Bilood ahayd ee uu Xilka hayay Tirada uu ka dhigay Shaqaale dawladeed isagoo Barbar dhigay Tirada Guud ee Shaqaalaha Dawladu ahaayeen Markii uu Xukunka qabtay.
Mudane Siilaanyo ayaa hadalkan ka Jeediyey Munaasibad Shalay loo Sameeyay 214 ka mid ah Mas’uuliyiinta Dawlada iyo Shaqaalaha Dawlada oo ka qallin Jebiyey Machadka Tababarka Shaqaalaha dawlada ee Magaalada Hargaysa.
“Xisbiga Kulmiye markii uu xilka dalka la wareegay tirada shaqaalaha qaranku waxay dhammayd 6,959, kuwaas oo la shaqo galiyey muddo 19-sanno ah,Xukuumaddaydu waxay shaqaalaysiisay muddadii 6-da sanno iyo 3-da bilood ahayd ee ay talada dalka haysay 9,346 shaqaale”