“Waxaan u digayaa Ma-gafayaasha, Gaadiidlayda iyo Dadka Guryaha ka kireeya intuba Ciqaab bay mudan doonaan…” Ramaax
Boorama, 01.Nov , 2015-(SDN/QJ):- Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf iyo Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxa.muud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa digniin u diray dadka ka shaqaysta arrimaha Tahriibta, Gaadiidlayda Rakaab ahaanta u qaada dadka ka tahriibaya Somaliland iyo kuwa dhinaca Itoobiya ka soo tahriiba ee dalka soo galaya iyo weliba dadka Guryaha ka kireeya oo ay sheegeen inay ciqaab adag mudan doonaan, Sharciyo lagu abaal-mariyana la dejiyey.
Wax uu sheegay Taliyaha Laanta Socdaalka Gaashaanle Maxamed Cambaro in iyadoo laga duulayo hirgelinta heshiisyo ay dawladaha Somaliland iyo Federaalka Itoobiya kala saxeexdeen dhawaan la doonayo in la xakameeyo dadka u soo tahriibaya iyo dadka ka tahriibaya Somaliland, sidaas awgeedna dardargelinta hirgelinta heshiisyadaas ay u tageen magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal Isaga iyo Saraakiil la socday oo ka tirsan Laanta Socdaalka Somaliland Jimcihii shalay.
Taliye Maxamed Cali Yuusuf ka dib markii uu dhammaaday Kulan ay wada-yeesheen Taliyaha Laanta Socdaalka ee gobolka Awdal iyo Badhasaabka gobolkaas oo ka qabsoomay magaalada Boorama, waxa si wada-jir ah ula hadleen Warbaahinta, waxaanu ka warramay ujeeeddooyinka socdaalkaas iyo hawlgallada loo baahan yahay in la sameeyo.
“Maanta (shalay) waxaannu halkan u nimi aniga iyo Hoggaanno ila socdaa, hawlgal aannu doonayno inaannu ku baraarujinno gobolkan iyo wax-qabadkiisa Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka u fadhiya halkan oo ah Heshiisyadii aannu la soo galnay dawladda Itoobiya ee Federaalka oo ahayd wada shaqaynta isu socodka labada shacab iyo xoohinta amniga, waxaanannu doonaynaa inaannu xoojinno la-dagaallanka tahriibta kuwa inna soo galaya iyo kuwa innaga baxaya-ba inaannu ku baraarujinno dadka ka shaqaynta ee halkan ku sugani inay faraha kala baxaan, Annagoo Sharcigii lagu qaadi lahaa mid walba aannu diyaarinnay.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka ee Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf.
Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu digniin u diray dadka arrimaha Tahriibta ka shaqaysta iyo Gaadiidlayda Rakaab ahaanta u qaada dadka tahriibaya, waxaanu yidhi; “Waxa naga go’an in Tahriibta oo labada dhinacba loo socdo la kaantarroolo oo wixii xaggeennan ka taga xaggaa la innooga soo qabto, innaguna aynu culayska saarno. Waxaan u digayaa Ma-gafayaasha, Gaadiidlayda iyo Dadka Guryaha ka kireeya intuba ciqaab bay mudan doonaan si hawshaasi loo xakameeyo.”