“Waxaan U Arkaa Go’aankaa Muddo Kordhinta Madaxtooyada Waxyeelo,Keli Talisnimo Iyo Xorriyad La’aan Horseedaysa”Madaxweyne Siilaanyo
Hargaysa 17.Oct 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), xilligii uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, mawqif adag ayuu iska taagay mudo kordhintii loo sameeyay Madaxweynihii hore, isla markaana wuxuu ku tilmaamay talaabadaa mid kelitalisnimo ah oo meel ka dhac iyo gef ku ah sharciga iyo koritaanka dimoqraadiyada.
Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ka hadalkaa arrintaa wuxuu ku cabiray waraysiyo iyo khudbado uu ka jeediyay xilligaa fagaarayaal kala duwan oo gudaha iyo dibadaba ahaa. Waraysiyadaa wax aka mid ahaa mid ay la yeelatay Idaacada laanta Afka Somalilaga ee BBC-du. Mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay aragtidiisa ku wajahnayd mudo kordhintaa wuxuu yidhi,“Waxaan u arkaa go’aanka [ Muddo kordhinta Xilka Madaxtooyada ] mid ayaan darro ah, waxaanuu gabal u dhacay geedi socodkii dimuqradiyada Somaliland ka hano-qaaday, waxaanuu waxyeelo aan laga soo waaqsanaynin u geysanayaa horumarkii iyo dimuqraadiyadii dalka. wuxuu bilaabay jidkii keli talisnimada iyo xoriyad la’aanta u horseedaysay ayaan u arkaa, aad iyo aadna waan uga xumay, waase go’aan dhacay”.
Wuu sii hadlay waxaanuu yidhi,“Waxa yaabka leh waxa weeyaan Golaha Guurtidu waxa uu u xil saaran yahay inuu kordhiyo ama aanu kordhin (Muddada Xilka), isaga oo sabab uga dhigaya wakhtiga ay doorashadu dhacayso inay dalka nabadgelyo darro ka jirto aanay doorasho ka qabsoomi Karin. dalka Somaliland waxa uu mar walba ku faanayay inuu haysto xoriyad, xasilooni iyo degenaasho, sababta qodobkaa loo cuskaday waa wax aan suuragalayn oo aan sharciyada iyo dastuurka aan ku jirin oo ka baxsan.Komiishanka doorashooyinka ayaa ku shuqul leh inay wakhtiga qabtaan, guddida doorshooyinku wakhti ayay u soo qabteen (doorashada Madaxtooyada), wakhtigiina way ka gudbeen. Waxaana dhaba iyo biyo-kama dhibcaana inay dawladu awoodo badan u adeegsanaysay oo ay awoodo dhaqaale ay u isticmaashay. Nabadgelyo darro aanay doorashadu ku dhacayni ma jirto, muddo kordhintaa [Guurtida] wax tallo ah oo laga weydiiyay axsaabtana ma jirto, waxaan aaminsanay in meel lagaga dhacay geedi socodkii dimuqraadiyada oo ay dhaawac weyn ku keenayso dadnimadii iyo horumarkii dalku ku talaabsanayay ama ay ummadeenu hawaysanaysay”.
Mar la sii weydiiyay Axmed Siilaanyo awoodaha la isticmaalay ee uu sheegayo waxa ay yihiin, waxa uu yidhi”Awoodaha la isticmaalay waa kuwa aad ka warqabtaan, waxa maanta la iska xidhay dhalinyaro badan oo saxafiyiin ah, markii ugu horaysay ee saxafiyiin sidaa la isaga Xidhana maaha. taas waxaan u arkaa daandaansi iyo nabadgelyada oo wax la yeelayo, Cabudhin iyo xoriyatul qawlkii oo lagu tumanayo, waxaan u arkaa cadaadis gooni ah oo xisbiga KULMIYE sidii weligeedba ku dhici jirtay lagula kacayo taageerayaashiisa, waxaanan u aragnaa in cid walba dulmi lagu qaadayo, arrintaana aad iyo aad ayaanu uga xunay”
Xigasho Ogaal
Hargaysa SDN/QJ