|

”Waxaan Taageero weyn u hayaa in Somaliland Hesho Aqoonsi Buuxa,Waxaan Si Buuxda u Cadaynayaa in La Gaadhay Xiligii” Raysal Wasaarihii Hore ee Kenya Raila Odinga DAAWO

London 05.July 2016 (SDN/QJ):- Raysal Wasaarihii hore ee Dalka Kenya Rayla Odinga ayaa Beesha Caalamka ugu Baaqay inay Somaliland lagu aqoonsado Guulaha Horumar ee ay Gaadhay Isagoo hadalkan ka jeediyey Machadka Daraasaadka Caalamiga ah ee Chatham House ee Magaalada Lonodon.
Raila Odinga and Chatham HouseHogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ugu faraha kulul,uguna codka dheer dalka Kenya Mr.Raila Odinga ayaa guriga caanka ah ee Chatham House loo yaqaano ee ku yaalla magaalada London,oo uu booqasho ku joogey dalkaasi ayaa caddeeyey in uu taageersan yahay in ay Somaliland hesho aqoonsi caalamiya,waxaana uu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya”Waxaan taageero wayn u hayaa in Somaliland hesho aqoonsi buuxa”Ayuu yidhi Mr.Raila Odinga
Waxaana uu sii raaciyey Raila Oding,”Waxaan soo buuxda u caddeynayaa in Somaliland ay gaadhey xilligii la aqoonsaneyey madaama ay buuxisey shuruudihii looga baahnaa qaran jira,waxaanan taageersanahay in la aqoonsado Somaliland”Ayuu yidhi Mr.Raila Odinga

Hadalkan ka soo yeedhey Mr.Raila Odinga ayaa waxaa cadho xooggan ka muujiyey mas’uuliyiinta Dawladda fadaraalka ah ee Soomaaliya,waxaana war qoraal ah oo lagu soo saarey barta Twitter-ka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya lagu sheegay in aan dalka Soomaaliya lakala qaybin doonin,iyaga oo ku tilmaamey hadalka Odinga mid aan wanaagsaneyn.

Comments are closed