|

“Waxaan soo dhisi doonaa Gole Wasaaradeed oo 25 Wasaaradood ka Kooban” Raysal Wasaaraha Somalia

Muqdisho 28.Dec 2014 (SDN/QJ)- Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in uu soo dhisayo Gole Wasiirro oo 25 ka kooban iyo Wasiir ku-xigeennadooda, isaga oo intaas ku daray in Xukuumadda uu soo dhisayo ay xoogga saarayso sugidda amniga, dhismaha ciidamada iyo sidii lagu heli lahaa xasillooni siyaasadeed.

 

SharmaarkeCumar Cabdirashiid ayaa sheegay in xubnaha uu u soo xulanayo Wasiirrada inay noqon doonaan kuwo awood u leh howlaha laga dhawrayo, waxaanu intaas ku daray inay hawsha u taalla dowladda ku soo gaba-gabayn doonaa mudada u hadhsan dowladda hadda jirta.

 

“Xukuumadda aan soo dhisayo waxay ka koobnaan doontaa 25 wasiir iyo ku-xigeennadooda, cid walba way istaahishaa in Wasiir laga dhigo, balse in kooban ayaa Wasiirro noqonaysa, waxaana codsanayaa in lala shaqeeyo.” ayuu yidhi hadalkiusa Mr. Sharmaarke.

 

Sidoo kale Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in Golihiisa Wasiirrada ay noqon doonaan kuwo isku dheelli-tiran, inkasta oo aanu sheegin inay isugu jiri doonaan rag iyo dumar iyo in kale.

Mar uu ka hadlay qorshaha horyaalla Xukuumaddiisa ayuu sheegay inay ugu horrayn ahmiyadda siinayaan sidii lagu heli lahaa xasillooni siyaasadeed oo lagu shaqay- karo, sidoo kalena ay amniga sugi doonaan.

 

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay dhismaha ciidamada, isagoo shaaciyay inay ka go’an tahay in marka la gaaro sannadka 2017-ka ay doonayaan in dalku yeesho ciidammo Qaran oo awood leh.

 

“Ciidamada dhismahooda markaan ka hadlo, waxaan doonaynaa in ciidanka dowladda dhexe ay noqdaan kuwo ka yimaada gobollada dalka oo dhan, si la mid ah sidaasna ay ciidamada maamullada gobollada noqdaan kuwo iyaguna isku dhafan.” ayuu Raysal-wasaare Sharmaarke hadalkiisa ku daray.

 

Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ka gaabsaday inuu sheego xilliga uu ku dhawaaqi doono Golihiisa Wasiirrada, waxaanu xusay inuu wada-tashiyo kala duwan kala la yeelanayo dhismaha Xukuumaddiisa, Madaxweynaha Somalia, Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Bulshada.

 

Comments are closed