|

“Waxaan rumaysnahay inaanay Somaliland gooni uga bixin Soomaaliya inteeda kale ee Laakiin dhammaantayo xitaa anakoo Itoobiya ah Yaa Ku Macaashay Midnimada’’ Raysal Wasaaraha Itoobiya DAAWO

Addis Ababa 04. February 2017 (SDN/QJ):- “Waxaan rumaysnahay inaanay Somaliland gooni uga bixin Soomaaliya inteeda kale ee Laakiin dhammaantayo xitaa anakoo Itoobiya ah Soomaaliya, Suudaan, Ereteriya iyo Jabuuti aanu isku noqono waddan kaliya oo midaysan laakiin taasi imika suurtagal ma ahan oo laguma dhawaaqi karayo inay waddan kaliya noqdaan. Waxay ila tahay inaan ku bilowno [Midnimada] is dhexgal dhinaca dhaqaalaha ah oo la mideeyo oo siyaabo farabadan aanu isu dhexgalno, dabadeedna marka dambe uu yimaado midow dhinaca siyaasadda ahi … Markasta oo lasii qaybsamana waxa lasii ahaanayaa qaar baahidu ay dishootay. Yaa ka macaashay markii ay ka go’een wadamadii ay kamid ahaayeen? Bal hadda waxaad eegtaa Ereteriya oo waxaad eegtaa Koonfurta Suudaan, Maxay tahay natiijada ka dhalatay? macnuhu maaha inaad goosato oo aad ku macaashaysid waa se haddii uu jiro isfaham macno leh oo u dhexeeya qolyaha isu tagaya.”

Sidaas waxa yidhi Raysal-wasaaraha Dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo u waramayay Weriye Cabdisalaan Hereri.

Comments are closed