“Waxaan mar kale ku celinayaa waar ardayda yar yar lacagta musasaacaha ha loo daayo oo wasiiradan baabuurta $80 kun ee doolar ah wata ha lagu daro wadada ceerigaabo” Murashax Jamaal Cali
Berbera 24.Feb 2014 (SDN)- Musharax Jagada Madaxtinimada ee Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa Xukumada Siilaanyo ku eedeyey in ay Qaaday Tubtii Dawladii Kacaanka ee Siyaad Barre ee kacaameynta, waxaanu xusay in uu habeen hore uu la yaabay xukumadii oo aan wadadii ceerigabo gacanba u qaadin dhismaheeda in ay ka dhamaan waydey faan iyo guul-wadeyn lacago badan lagu burburiyo xaflado aan faa’iido lahayn.
Wax kale oo uu sheegay in Xukumada Siilaanyo ay meel walba dhigtay dhagax sheegtayna in ay waddo ka dhisayso ilaa hadana aan wax ay qabtay aan la arag, isaga oo xusay in Arrimihii Dawladii Riyaale ay ku dhaleceyn jireen ay iyagii maryaan.
Sidaasi Wax uu ku sheegay mar uu Shalay Kormeer ku tagay sariibada magaalada berbera oo todobaadadii ugu danbeeyey uu ku sugnaa.
Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen oo arimahasi ka hadlayaa wuxuu yidhi “Anagu Xisbi Ucid ahaan waanu taageersanahay Wadada Ceerigabo, laakiin xallayna waxaan Telefeshinka ka arkayey iyada oo aan waxba la sameyn in dadkii lagu waalay xayeysiis iyo balaayo sidii Kacaankii Siyaad Barre in durbaan waxba ka jirin ay tumanayaan, marka hore wax wanaagsan in aad wax dhisato oo aad xadhiga ka jarto, laakiin xukumadani wax uunbay dhagax dhigaysa wax allaale iyo wax dhamaanaya ma jirto, qoladani dhagaxdhigis uunbay ku jirta halkan dhagax dhig halkan dhagax dhig, waxaasina waa wixii shalay iyagu ay xukumadii ka horeysay ee Riyaale ku dhaleceynayeen, xukumada silaanyo waxan leeyahay isku kalsoonada oo beenta ha sheegina, oo waxan aad wadan dalka ka daaya.”Ayuu yidhi.
Jamaal Cali Xuseen wuxuu kale soo jeediyay in ardayda loo daayo nusasaacaha laga urursanayo oo hantida madaxda dawladda loo quudho dhismaha wadada, waxaannuu yidhi, “Waxaan mar kale ku celinayaa waar ardayda yar yar lacagta musasaacaha ha loo daayo oo wasiiradan baabuurta $80 kun ee doolar ah wata ha lagu daro wadada ceerigaabo.xukumadu ma garanayso waxa kharashu kaga baxo, waxaan dhaliilayaa xukumadan ku dhaliilayaa maalinta safar wafti u baxayso in lays daba yaaco oo boqol laangaruusal shidaal lagu shubo dadka maatida ahna wadad la sii safo la odhaanyo na soo dhaweeya .xalay ayaad arkayseen dadkii danyarta ahaa ee marka hore waxba la siin waayay in markii marwada madaxwaynaha jabuuti soo caawisay lagu wada yaacay.”Sidaa waxa yidhi Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID JamaalCali Xuseen.
Dhanka kale wax uu ka hadlay hawlaha uu u jooga Gobolka Saaxil ee Magaalada Berbera waxaanu yidhi “ujeedada socdaalkaygu waxa weeye dardargalinta xafiiska xisbiga UCID ee gobolka saaxil iyo la tashiyo aan la samayn doono masuulyinta xisbiga ee gobolka Saaxil, Markaa waxa aan maanta jeclaysatay oo kale inaan booqdo sariibada wayn ee magaalada Berbera oo si fiican ayaa bulshadii ku ganacsanaysay aan u arkay, maaha marka aad magaalada timaado inaad tagtid oo kaliya hudheelada qaaliga ee qorshahayga ayaa ka mid tahay inaan bulshadayda arko xaaladooda.”
Berbera SDN.
Qurbejoog.com