“Waxaan Maanta Idiin Sheegayaa Horena umaan ahayn Iminkana ma Noqonayo Nin Reer” Gudoomiye Cirro DAAWO
Hargaysa 26.Dec 2015 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Maanta Biniixiyey in hadii uu Talada dalka Ku Guulaysto aanu noqon doonin Nin Reer taas oo Nuxur ahaan u dhacaysa inaanu Beeshiisu Saami xoogan ku yeelan doonin Kursiga uu ruclada ugu Jiro.