|

“Waxaan leeyahay Xamar lagu tartami maayo ee Hargeysa/Somaliland ayaa lagu tartamaya, arrimahaasi waa garaadkooda waa Garaadka Muuse, Waxaan baaq u diraya New Kulmiye iyo Faysal oo aan leeyahay haddii aydaan tartami karayn dee iska tanaasula,” Murashax Cirro DAAWO

Hargaysa 10 November  2017 (SDN/QJ):-Musharraxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa kumanaan taageerayaashiisa ah oo isaga yimid daafaha caasimadda Hargeysa kala qayb galay dabaal degga Beerta Xorriyadda Hargeysa, isaga oo markii dambena degaanno ka tirsan gobdolka Hawd u baxay si uu shucuurtooda ula wadaago taageerayaasha la dhacsan isbedelka uu ku baaqay. Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay tobanaan kun oo soo camiray beerta xorriyadda Hargeysa kuwaas oo uu kula dardaarmay taageeridda isbedelka iyo in ay Kulmiye bedelaan.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in 21 cisho oo ololaha doorashadu socday iyo socdaallo uu dalka ku maray uu ka dareemay in rabitaanka shacbigu yahay in Kulmiye talada dalka laga wareejiyo “Somaliland kharriidadeeda meelkasta iyo telefishan walba waxa ka muuqday calanka iyo astaanta liimiga ah ee isbedel doonka ah. Walaalayaal marka aan ka qiyaas qaatay isu soo bixiinan(Hargeysa) oo isu soo bax la mid ahi ka jiro gobolka Awdal, gobolka Saaxil, Gobolka Togdheer, gobolka Sool iyo gobolka Sanaag xaqiiqadu waxay tahay in shacbigu doonayo Kulmiye in la bedelo. Waxa caddaatay in aanu shacbigu qaybsanayn oo aanu ahayn Waarso iyo Naato oo aanu ahayn Jeegaan ee uu yahay shacbi midaysan oo Giraan ah, waa shacbi ku midaysan dareenkiisa. Walaalayaal waxa xusid mudan dareenka ka jiray gobollada darafyada ee Sool ka jiray ee Sanaag ka jiray ee Awdal ka jira, waxaanu soo aragnay umad aan qaybsanayn, umaddaasi hal mid ayay ku midaysan tahay oo ah Badaluu Badaluu Badaluu,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

 

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in uu dawo rasmi ah u noqonayso musuqmaasuqa, qabyaaladda, qaraabo kiilka iyo hantida la iibiyay oo la soo celiyo, islamarkaana uu wax ka qabanayo sixir bararka, qiimo beelka shilinka Somaliland, shaqo la’aanta, abaaraha soo noqnoqday iyo jahaynta hannaanka citiraaf radiant Somaliland. Waxa uu sheegay in uu ka dhabayn doono ujeedada dawladnimada loo samaystay ee ah horumar nololeed. Waxa uu sheegay in uu samayn doono hay’ad maaraysay sixir bararka iyo hay’ad la tacaasha ka hor tagga abaaraha soo noqnoqday.

 

Musharraxa xisbiga Waddani waxa uu sheegay in hoggaanka Kulmiye iyo UCID wakhti badan galiyeen been abuur ku saabsan warqado foojari ah oo ay leeyihiin Waddani ayaa Xamar gaynaya Somaliland laakiin, shacbigu aanay dheg u dhigin, waxaanu sheegay in madax bannaanida Somaliland tahay go’aan shacab oo aanu Waddani iyo Kulmiye midna bedeli karin Waxaan leeyahay Xamar lagu tartami maayo ee Hargeysa ayaa lagu tartamaya ee shacbiga u soo bandhiga waxa aad ka iibinaysaan. Waxaan leeyahay arrimahaasi waa garaadkooda waa Garaadka Muuse. Walaalayaal aniga iyo xisbiga Waddani midna ma aamminsana in Bee lama Koox Somaliland ka mid ah ay u shaqayso Soomaaliya waase Muuse iyo Garaadkii. Xisbiga Waddani waxa uu aamminsan yahay in shacbiga Somaliland yahay dad walaalo ah oo leh xuquuq siman. Ma dhici karto in la yidhaahdo beel baa beel loo baryay ama qof baa qof loo baryay, waxaynu doonayna in aynu abuurno shacab awoodaha  xilalka dalka iyo khayraadka u siman. Waxaan leeyahay wax walba oo aad samayn karayseen waad samayseen laakiin, ma badbaadin kartaan doon degaysa ee wax ku qaata dareenka shacabka. Waxaan baaq u diraya New Kulmiye iyo Faysal oo aan leeyahay haddii aydaan tartami karayn dee iska tanaasula,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

 

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in xukumaddiisu Ciidamada kala duwan ee Qaranka mushaharka u kordhin doono 250%, islamarkaana la xaqsiin doono askari kasta oo waajib Qaran ku dhinta ama wax ku noqda,  sidoo kale guryo u dhisi doono Ciidamada. Waxa uu sheegay in la samayn doono xafiiska hawlgabka shaqaalaha dawladda si dadka waaweyn ee Qaranka u soo shaqeeyay loo nasiyo. Waxa uu sheegay in xukumaddiisu mushaharka u kordhin doonto shaqaalaha, macallimiinta iyo cuqaasha “Xisbiga Waddani hanti kasta oo dalku lahaa oo sifo sharci darro ah ku baxday gacanta shacbiga lagu soo celin doona. Anaga oo og shaqo la’aanta baahsan mudo xileedka hore ee 5-ta sanno xisbiga Waddani waxa uu abuuraya 15000 shaqo. Waxaanu dejinay qorshe wax lagaga qabanayo sixir bararka laguna kordhinayo dhaqaalaha laguna dhiiri gelinayo maalgashiga. Biyo la’aanta Hargeysa waanu dawaynayna oo biyo ku filan ayaanu caasimadda u keenayna. Somaliland waxaanu u caddaynayna in aanu Musuqmaasuqa la dagaallamayno si dulqaad la’aan ah. Waxaanu adkayn doona amniga Qaranka. Amniga Somaliland marnaba gorgor tagan ma galayo. Dalalka dariska waxaanu kula noolaanayna nabad iyo daris wanaag, waxaanuse uga digayna in ay  faro geliyaan doorashada madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ama ay ku kacaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta amniga iyo jiritaanka Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha Waddani waxa uu shaaciyay in uu cafiyay dhalinyaro gurigiisa shiiday oo uu sheegay in hoggaanka Kulmiye soo khalday waxaanu booliska ka codsaday in dhalinyarada dib loogu celiyo waalidkooda. Waxa uu taageerayaashiisa kula dardaarmay adkaynta ammaanka iyo in aanay la ficil tamin Kulmiye oo uu ku eedeeyay in uu rabshado aloosayo.

Comments are closed