‘’Waxaan leenahay KULMIYOW boobkii ka quuso, Anigu Waxaan idiin xaqiijinayaa in aan noqonayo adeege shacbigiisa u shaqeeya” Nuxurka Khudbadii Gudoomiye Cirro
Hargaysa 17.October 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Maalintii Shalay Xisbiga Waddani Ku Biiray Taageerayaal ka soo Jeeda Gobolka Hawd Kuwaas oo Fariinta ay Dirayeen Ku Qotontay Xilka Gudoomiyaha Xisbiga ee uu la Wareegayo Siyaasiga C.qaadir X.Ismaaciil Jirde.
Gudoomiyaha Haatan ee Xisbiga Waddani ayaa Khudbad Dhinacyo badan leh Waxa uu ka Jeediyay Madashaasi.
Marka hore waxaan u mahad Naqaya Dhammaan Dadkii noo soo agaasimay,ee soo bilay munaasabad sida quruxda badan uga soo shaqeeyey aad iyo aad ayey u mahad-sanyihiin,waxaan u mahad-naqayaa Saxiibkay Cali Guuleed iyu Huteelka Guuleed dhammaantii oo iyaguna hawl wanaagsan halkan ka qabtay.
Marka hore waxaan jecelahay in aynu halkan ka xusno, nin inagu qaali ahaa oo halyey qaran ahaa oo aasaasayaashii Xisbiga ahaa oo maanta oo kale 2012-kii isagoo hawl xisbigu leeyahay ku guda-jira geeriyooday Marxuum C/laahi Siciid Dheere waxaan jecelahay in aynu faataxda u marno.
Arimaha Doorashooyinka
Waxaan jecelay in aan eray ka idhaahdo arimaha doorashada oo runtii wer-wer badani inagaga jirro in doorashadu ay wakhtigeedii ku qabsoonto,wer-werkaasi waxa weeye, in xukuumadda Somaliland oo laga rebay in ay bixiso kharashka diiwaangelinta inta ka hadhay iyo doorashadaba aan weli la xaqiijin in ay shubtay qarash-kaasi,komishankan waan ka sugaynaa war ku saabsan arinkaas haddii ilaahay ka dhigo.
Waxaan ka digaynaa in si loo helo mar-marsiiyo ay arintaasi aanay noqon marka ugu dambaysa inta la daahiyo la yidhaah kharash-baa la waayey,arintaa waan ka digaynaa,waxaan leenahay shacbiga reer somaliland iyo Xisbiga WADDANI marna ma aqbali doonaan cudur-daar aan mac-quul ahayn,dadku waxay diyaar u yihiin doorasho waxaanu komishanka iyo xukuumadda ka codsanaynaa in salaxdo garoonkii lagu tartami lahaa.
Xisbiga KULMIYE Ee Doorashada
Beryahan dambe waxaan maqli jiray dad is weydiinaya KULMIYE wuu boobayaa doorashada,lakiin waxaan leenahay cududa maanta ku soo biirtay, ma suurta gelinayso in KULMIYE uu boobo doorashada ,waxaan leenahay KULMIYOW boobkii ka quuso,boobkii ka quuso, boob ma jiro wixii hadda ka dambeeya.
Waxay Shacbiga reer Somaliland ay wer-wer badan ka qabaan hoggaanka KULMIYE ee u tartamay doorashada,
Maxay wer-werka Uga Qabaan ?
Waxay uga qabaan in uu waddanku gacanta ugalo dig-taatooriyada,Anigu waxaan idiin xaqiijinayaa in aan noqonayo adeege shacbigiisa u shaqeeya.
Fariinta KULMIYE
Waxa kalena oo aan fariin u dirayaa KULMIYE ,waxaan leeyahay ciyaartii wey soo dhawaatay,tiim-ka kubada ciyaaraya ee WADDANI waa raga halkan fadhiya iyo raga halkan taagan,bal tiim-kiini soo diyaariya.
Tallada-Wadaag Xisbiga WADDANI
Waxaan runtii soo dhaweynayaa in talada la ballaadhiyo oo xisbiga WADDANI waxa ka go’an in tallada la wada yeesho, xisbiga WADDANI waxa ka go’an in talada miiska la saaro,taladuna ay ka dhaxayso shacbiga reer Somaliland.
Waxaan cadaynaynaa xisbiga WADDANI u jeedada loo sameeyay waxay ahayd,in xisbi shacbigu uu leeyahay uu yahay,waxaan cadaynaynaa oo halkan maanta wareejinta la wareejinayo guddoomiye-nimadu ,waxay marag cad ka tahay in xisbigu aanu cidna u xidhnay,in aanu beel u xidhnay tii hore u haysa uma xidhna,tan hadda imanaysana uma xidhna,waa xisbi inaga dhaxeeya maalinba nin-baa iman-doona,waxaa xisbi nin-kii reer sanaag ee halkan ka haddlayey uu xaq uleeyay in uu madax-ka noqdo,nin-ka reer Sool xaq-buu uleeyahay,ka reer Selal xaq-buu uleeyahay.
Waxay-nu doonaynaa in aynu dhisno xisbi tiirar adagle oo la iska dhaxlo Somaliland , xisbi ujeedadiisu tahay in shacbigiisa la mideeyo oo lagu hoggaamiyo horyumar ,cadaalad iyo nabad-gelyo,mar-naba kama suurtawdo Xisbiga WADDANI wax nabad-gelyada wax yeela in uu ku kaco,taageerayaashiisna waxaanu faraynaa in ay taageeraan nabada in ay taageeraan ciidanka amaanka oo runtiina ah wax Somaliland ay ku faanto.
Ciidamada Kala Duwan Ee Qaranka Somaliland
Askariga maanta kontonka doollar qaata ama boqolka doollar qaata ee haddana waajib la siiyey in uu dalkiisa ilaaliyo oo uu xuduudka joogo,isagoo laga yaabo in uu reer-kiisi Hargeysa degan-yahay,waxaa ciidankeenu ku amaanan yahay meelaha ay ka hawlgalaan in aanay dadka dhibin,xitaa xoolaha ma dhibaan.
Waxay-nu doonaynaa in ciidanka Qaranak Somaliland ee kala duwan uu noqdo tiir-dhexaad Qarankan u noqdo,umad kasta waxa ay horumarkeedu ku dhisan yahay in ay amaankeedu sugan yahay,horumar ma iman karo haddii aanu amaan sugnayn
Baaqa Guddiga doorashooyinka Qaranka Uu U Diray
Waxaan ugu baaqayaa in ay cayimaan oo ay dadka u sheegaan wakhtiga ay doorashada qabanayaan,guddiga doorashooyinka qaranku waa in ay cadeeyaan in ay doorashadii qabanayaa 28 maaraj 2017-tiin, shacbiguna waa ka sugaa anaguna waan ka sugaynaa.
Dardaarankii Cirro Ee Shacabka
Waxaan idinku dardaarayaa walaalayaa in aynu amaanka sugno oo xil-baa inag saaran dowlada oo qudha ma saarna amaanku
Fariinta Uu U Diray Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI
Kelmada ugu dambaysa waxaan jecelahay in aan idiin sheego,in kuraasiduu inaga badan tahay ,dee weynu sarifanaynaa saw-maaha,labadan oday ee hareeraha iga taagan qaar kale ayeynu ku soo daraynayoo magacyo cusub-na weynu samayn-doonaa xilal-kuna wey inaga badan-yihiin
Guul Somaliland Guul Somaliland