“Waxaan ku Baaqayaa Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa,Xasan Cawaaloow Waxaad difaacaysay Waad aragtaa” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble DAAWO
Hargaysa 04.July 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa ku baaqay in golahooda la keeno mooshin ka dhan ah xukuumadda iyo madaxweyne Siilaanyo.
Waxa uu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Sheegay in Wax lala yaabo ay tahay in Madaxtooyadii dalka looga ariminayay lagu dhex dilo Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo Golahooda ka mid ah isla markaana ku abtirsada Xisbiga Kulmiye ee Madaxweynuhu ka soo jeedo, Waxaanu Mudane Xasan Cawaale u diray fariin uu ku baraarujinayo inaanu dugsan Maamulka u gartay in la waxyeeleeyo isla markaana ka masuugay inay ku soo booqdaan Cisbitaalka lagu baxnaaninayo Sidoo kale Waxa uu fariin taas la mid ah u diray Xildhibaanada kale ee uu sida gaarka ah u magac dhabay Sida Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Nac iyo Mudane Bukhaari oo Carabka ku xejiyay.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Waxa uu sheegay in marka uu golahoodu fasaxa ka soo laabto ay si cad uga jawaabi doonaan dhacdadaas.
Hargaysa SDN/QJ