“Waxaan ku ammaanayaa wasiirka warfaafinta tallaabooyinka ay qaadday wasaaraddiisa ee dib loogu howl-gelinayay hay’adaha dowladda, sida , soo celinta maamulka hawada Soomaaliya iyo horumarinta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde,”Ra’isal Wasaare Cabdi F.Shirdoon
Muqdisho 25.Nov 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ku ammaanay wasaaradda warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka horumarrada ay sameysay muddadii sanadka ahayd ee ay xukuumaddu jirtay.
Raysul wasaaraha ayaa ku ammaanay wasiirka wasaaraddaas, Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi is-beddelka iyo horumarinta ballaaran ee uu ka sameeyay wasaaradda.
“Waxaan ku ammaanayaa wasiirka warfaafinta tallaabooyinka ay qaadday wasaaraddiisa ee dib loogu howl-gelinayay hay’adaha dowladda, sida boostadii dalka, shirkadda duullimaadka Somali Airline, soo celinta maamulka hawada Soomaaliya iyo horumarinta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde,” ayuu war qoraal ah ku yiri raysul wasaare Shirdoon.
Raysul wasaaraha ayaa hadalkan sheegay mar uu maanta booqanayay wasaaradda warfaafinta, gaar ahaan raadiyaha iyo telefishinka qaranka.
Shirdoon ayaa sheegay inay warbaahinta qaranka muhiimad gaar ah u leedahay dowladnimada, maadaama ay tahay halka looga tabiyo shacbaka wax-qabadka iyo horumarka dowladdu sameyneyso.
Wuxuu kaloo booqday wasaaradda khayraadka, isagoo ka dhageystay shaqaalaha wasaaraddaasi wax-qabadkooda.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com