“Waxaan Ka Mid Ahay Ragga U Taagan Murashaxa Jagada Madaxwayne Xigeenka ee Xisbiga Kulmiye” Wasiirka Waxbarashada DAAWO
Hargeysa 18.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Prof: Faarax Cilmi Geedoole ayaa markii ugu horaysay shaaciyay inuu u taagan yahay Jagada Madaxwayne Ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE waxaanu sidaasi ka sheegay xaflad shalay isbahaysiga Musharixiinta Kulmiye ku yeesheen Hotel Guuleed ee Magaalda Hargaysa .
Wasiirka Waxbarashada oo arrimaha ka hadlaya wuxuu yidhi; ”Xeerkii xisbiga ayaa la majara habaabinayaa ,waxaana laga duwayaa qaabkii Dimuqraadiyada ee uu u dhisnaa ,xubnahan golaha dhexe ee halkan fadhiya iyagoo an cidna duulaan ku ahayn wxay isugu yimaadeen inay badbaadiyaan Xisbiga maadaama uu yahy Xisbi wayn oo xaakima ,waxaan ku talinaynaa in la raaco xeerka Xisbiga cida laga doonayo inuu hagaajiyana waa Madaxwayne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan saylici ,waa in uu isugu yeedhaa hogaanka xisbiga ,iyo xubnaha golaha dhexe lana toosiyo xeerkii Xisbiga “,ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadu.
Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada wuxuu dhaliilay Talaabo uu sheegay in lagu horjoogsaday Xaflad ay ku qabsan lahaayeen Maansoor huteel. “Dalka meelo ayaa dhibaato ka jiraan meelahaas in askarta loo adeegsao weeyaan.“Dhinaca kale, Wasiirka Waxbarashada ayaa markii ugu horaysay Shaaciyay inuu u tartamayo jagada Madaxwayne Ku-xigeenka xisbiga KULMIYE waxanu yidhi;”Waxaan ka mid ahay ragga hungurigu ka hayo inay isu soo taagaan jagada Madaxwayne Ku-xigeenka ee Xisbiga “.ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadu.
https://www.youtube.com/watch?v=Ht0C4zf-Et8&feature=youtu.be