|

‘’Waxaan Ka Baqayaa Haddii Uu Jiitamo Tartanka Murashaxnimada KULMIYE in Uu Dib U dhigi Karo Doorashada..’’ Faysal Cali Waraabe

Hargeysa,4Nov,2015(QJ/SDN)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa isagoo ku sugan maagalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ka hadlay khilaafka xisbiga kulmiye,  isagoona guddoomiyuhu walaac ka muujiyay khilaafka xisbiga KULMIYE oo uu sheegay in haddii khilaafka kulmiye uu sii daba dheeraado ay suurtogal noqon karto in doorashooyinka dib u dhac ku yimaado, sidoo kale Gudoomoye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xisbiga kulmiye khilaafkiisa uu si xun u maamulay oo ay ka dhigeen buu yidhi arrin qaran.

Haddaba, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo u warramayay laanta afka soomaaliga ee BBC’da waxa uu yidhi isagoo arrimahaasi ka hadlaya ‘’horta waxa weeye, imika rrintaasi aad iyo aad bay dadka werwer u galisay, waxay tusisay calaamado dhistalabalaasayshan ah, anagoo kasoo baxnay murankii doorashooyinka kordhintooda haddana aanu haamihii galnay, haddana uu murankani dhashay, dadka waxay tusinaysaa Picture(sawir)xun, hase ahaatee waan ka raariday, arrintani waa arrin internal ah waa arrin xisbi, inkastoo xisbigu six un u maamulay oo ay ka dhigeen arrin qaran campaign ay galeen, oo loo baahnayn inay olole galaan gole dhexe oo 400 qof ah oo fadhiisanaya in la isku campaingn-gareeyo oo sidii uu shacbigu vote bixinayo loo abaabulo, waxa weeye daciifnimada siyaada politicianska Somaliland..’’

Geesta kale guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa walaac ka muujiyay in haddii khilaafka xisbiga KULMIYE sii jiitamo ay dib u dhac ku keeni karto doorashooyinka ‘’waxaan ka baqayaa oo aan anna ka baqayaa hadday jiitanto tartanka Kulmiye ee murashaxnimadu inay dib u dhigi karto hawlaha noo yaalla inay doorasho dhacdo’’ ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Ugu danbeyntii, waxa Somaliland maalmihii ugu danbeeyay si weyn looga hadal hayay khilaafka xisbul Xaakimka Kulmiye, iyadoo khilaafkaasi oo soo if baxay uun ka dib markii koox wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda madaxweyne siilaanyo ay iscasileen xukuumadda, iyagoo sheegay in madaxweyne Siilaanyo aanu dhex ka ahayn doorshada xisbiga kulmiye isla mar ahaantaana uu dhinaca saaray gudoonmiye Muuse Biixi.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee xisbiyada mucaaridka Somaliland ay walaac intaas leeg ka muujiyaan khilaafka gudaha Xisbiga Kulmiye.

 

Comments are closed