“Waxaan jeclaan lahaa in jaadka laga joojiyo Somaliland oo aynu kaga dayano dalal badan oo adduunka ah” Wasiirka Arrimaha Dibada
Hargeysa 08.Aug 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ku baaqay in Dalka laga joojiyo jaadka oo uu ku tilmaamay mid dhaawac kala gedisan gaadhsiiyay bulshadda Somaliland.
Wasiir Maxamed Biixi waxa uu sheegay in loo baahan yahay Inay Somaliland sida dalalka adduunka joojiso qaadka oo aan wax dheef ahi ugu jirin dalka, hase yeeshee naafeeyay dhaqaalihii bulshadda.
“Waxa qiyaastii maalin walba jaadka innaga baxda lacag badan oo lagu qadaray 400,000 oo Doolar, marka bishii la xisaabiyo waxay noqonsaa dhaqaale xad dhaaf ah oo horumarka wadanka kaalin weyn ka geysan kara,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo ka hadlayay xaflad wasaaradiisu u samaysay qurbo-jooga Somaliland oo lagu qabtay xalay Huteelka Guuleed ee caasimadda Hargeysa.
Wasiir Maxamed Biixi oo waxa uu u soo jeediyay dawladda in la joojiyo jaadka “Waxaan jeclaan lahaa in jaadka laga joojiyo Somaliland oo aynu kaga dayano dalal badan oo adduunka ah oo halistiisii ka joojiyay wadammadoda,”ayuu ku dooday Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirku waxa kale oo uu qurbo-jooga ka dalbaday inay kala shaqeeyaan himiladda xukuumadda ee la xidhiidha qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland.
Wasiir Maxamed Biixi waxa kale oo uu ugu baaqay qurbo-jooga inay kaalinta ugu weyn ka qaataan horumarinta wadanka oo ay barbar istaagaan mashaariic la xidhiidha kaabeyaasha dhaqaalaha sida wadooyinka.