|

”Waxaan Is Leeyay Dhawaaqyada Dhac-dhacaaya Iyo Dhibaatooyinkaasi Waa Qas Ay Waddo Xukuumadda Xamar Joogta Maanta” Faroole

Hargeysa,28july,2015(QJ/SDN)-Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole uu soo gaadhay magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyada Somaliland, iyadoo la sheegay in faroole uu Hargeysa u yimid tacsi ku aadan dilkii xaaskiisii  uu dilay wiilkiisu oo kasoo jeeday deegaanada Somaliland.  mudane Faroole ayaa markii ugu horraysay saxaafadda la hadlay tan iyo markii uu Hargeysa soo gaadhay, waxaana faroole wareysi gaar ah oo uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC ku sheegay in ujeedka safarkiisa Hargeysa uu ahaa Tacsi uu ugu yimid eheladii ay ka dhalatay xaaskiisu isagoo Faroole sheegay in Hargeysa si weyn loogu soo dhaweeyay safarkiisuna aanu siyaasad ahayn. ‘’aad iyo aad baa laygu soo dhaweeyay(Magaalada Hargeysa), xukuumadda ayaan soo wargeliyay imaantinkayga oo iskama imaan xukuumadduna waa aqbashay, dabadeedna aad baa laygu soo dhaweeyay gegida diyaaradaha markii aan imid, xukuumadda, dadweynaha,asxaabtaydii, qaraabadaydii iyo gaar ahaan odayaashii dhaqanka goboladdan Somaliland deganaa, maqsuud baanan ka noqday waanan uga mahadcelinayaa (soo dhaweynta).’’ Ayuu yidhi Faroole.

11742818_1602235323360261_8926538212235072886_n

Mudane faroole mar wax laga weydiiyay Siyaasadda Soomaaliya iyo maamulka puntland ayaa waxa uu sheegay in uu ka hadhay siyaasadda puntland laakiin ta soomaaliya uu illaa hadda wax ka qoro oo aanu ka hadhin, waxaana uu yidhi isagoo arrimahaasi ka hadlaya ’’Tan puntland wax aan hadda ku kabo mooyee aniga kittaabkaygu waa ka xidhmay, wixii iyaga aan kula talin karo ee soomaalinimada ah iyo in ay maamulka adkeeyaan dee diyaar baan u ahay, Laakiin tii Soomaaliya weli wax baaban ka qoraa maxaa yeelay door weyn baan ku lahaa intii aan maamulka puntland joogay shantii sanno….’’

Geesta kale mar wax laga weydiiyay muranka maamulada puntland iyo Gal-mudug ka dhexeeya ayaa waxa uu faroole yidhi ‘’ sharci iyo nidaam la’aan wax shaqayn karaa ma jiraan, sharcigii waa la sameeyay, nidaamkiina waa la sameeyay, waxaan is leeyay dhawaaqyada dhac-dhacaaya iyo dhibaatooyinkaasi waa qas ay waddo xukuumadda xamar joogtaa maanta, iyadaa ka masuul ah, wax laysku qabtaa ma jiraan, waxa qeexayaa dastuurku intii maamul noqon kadha, xuduudahana waa wixii dowladdii maxamed siyaad barre ay ka tagtay’’.

Isku soo wada duuboo waa markii ugu horraysay ee Mudane Faroole uu saxaafadda la hadlo tan iyo markii uu magaaladda Hargeysa Soo gaadhay.

Khaalid Foodhaadhi

QJ/SDN: Hargeysa

Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

Comments are closed