|

“Waxaan idiin sheegayaa maalintii la sameeyay ciidankii Koodbur ayaa Somaliland la xorreyay” Mujaahid Ooto Biixi

Hargaysa 26. January, 2016-(SDN/QJ) :– Mujaahid  Maxamed Biixi Caalin (Ooto)  oo kamid ahaa mujaahidintii SNM ee Halgankii Dheeraa usoo gashay dib uxorayntii somaliland ayaa maanta mar uu ka hadlayay xafladenii soo dhawaynta hayd ee  Xisbiga wadani u sameeyeen Beesha Cabdalle Arab ee degta gobolka togdheer aya waxa uu ka dhawaaajiyay in xisbiga wadani yahay xisbiga kaliya ee midayn kara bulshada Somaliland, isagoona carabka ku dhuftay inuu aad ugu farxsaan yahay in beesha Cabdalle Arab kusoo biiraan xisbiga wadani.

 

ooto biixiSidoo kalena waxa uu mujaahidku sheegay in bulshada reer Somaliland ku hungowday xukumada madaxwayne siilaanyo isagoona mujaahid Ooto Biixi Cabdi Arimahaa iyo arimo kaleba ka hadlaya ayaa waxa kamid ahaa sida tani.

 

“Waxaan idiin sheegayaa maalintii la sameeyay ciidankii Koodbur ayaa Somaliland la xorreyay. Waxaan idiin caddaynayaa ciidankii Koodburna waxay ahayeen Arab iyo Garxajis, ragii 24 sanno Garxajis iyo arab kala ilaalinayay waxaan leeyahay darbigii waanu jabinay waa darbigii barlin wuu dumay ku quus-qaata,cid u heshiin mayno ee laakiin midnamada isaaqa ayaa ku jirta inay midoobaan Arab iyo garxajis, Anigu waxan aaminsanahay in xisbiga Wadani yahay Xisbiga kaliye ee midayn-kara bulshada reer Somaliland ku hungoobeen doorashadii la doortay Madaxwayne Siilaanyo ayna xukuumadiisu ku fashilantay Hogaaminta talada dalka, waxaan leeyahay bulshada Somaliland Xisbiga Wadani aynu doorano” ayuu yidhi mujaahid Ooto Biixi Caalin, waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Waxa uu raaciyay intaasi.”Muuse Biixow ku quuso Hogashu waxa ay ku hoortay Xisbiga Waddani umaduna way arkaysaa.

 

Si kastaba ha ahaatee hadalkan ka soo yeedhaya mujaahid Ooto Bixii Caalin ayaa ku soo beegmaya xili ay ma’suuliyinta xisbiga waddani magaalada Burco ugu sameeyeen xaflad soo dhawayna beesha Cabdalle Arab ee degta gobolka togdheer.

Comments are closed