‘’Waxaan Guri kasta Iyo Geed kasta oo Hargaysa ku Yaala ku Dhufanay Musbaar Sixir ah Kaas oo aanu Ugu Talo galnay in Qofna aanu ku Soo Noqon Hargaysa’’ Sheekh Sheekh Cabdul Xaq oo Waraystay Nin Saaxir ah oo Hargaysa Sixray DAAWO
Hargeysa 16. July 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Cabdul Xasan Macallin (Sheekh Cabdul Xaq) oo ah Waddaad Jin la Dirrir ah ayaa Tafaasiil ka Bixiyey Waraysi uu la Yeeshay Nin saaxir ah oo dhawaan Lagu qabtay Magaaladda Boosaaso Waxa uu Ninkani u sheegay Sheekha in Sannadkii 1988-kii la Keenay Gobolada Waqooyi isagoo Askari ah waxaanu Xusay in lagu daray Qaybta Madaafiicda ee Ciidankii Taliskii Siyaad bare.
Ninkan uu Sheekh Cabdul Xaq Xogwaranka la Yeeshay markii la qabtay ayaa Waxa uu Waraysigii uu La Yeeshay ku Sheegay inuu Taliyihiisii oo ay ehel dhow ahaayeen u bandhigay hindise dadka lagaga Kaxaynayo Magaaladda Hargaysa si aanay ugu soo noqon isagoo xusay inuu aad u yaqaanay Sixir u samaynta dadka waxa uu Taliyihiisii ka dhaadhiciyey inuu Magaaladda oo dhan Sixrayo amase falayo iyadoo dadka Magaaladda Hargaysa ku dhaqani Sixirka uu sameeyo uu ku sheegay Mid aanay ku soo Noqon doonin,Wuxuu intaas ku daray in Guri kasta iyo Geed kasta oo Hargaysa ku yaala uu ku dhuftay Musbaar Sixir ku lamaan Yahay kaas oo loo yaqaan Qataar,Isla markaana uu ku talogalkiisu ahaa in Dadka Hargaysa ku noolaa aanay ku soo noqon Waxa uu Sheekh Cabdul Xaq intaas ku daray in Ninkaas ay la shaqaynayeen Koox la socotay,Waxa Kale oo uu Saaxirkani Sheekha u Sheegay in Meelaha ay Falka ku aaseen ay ka Mid tahay Wajahada Hore ee ay Haatan ku Taalo Xarunta Shirkadda Telesom ee Hargaysa oo ah Goob wareeg ah amase Goolad ay baabuurtu ku Kala Leexdaan,Waxaa Kale oo Saaxirkani uu u Sheegay Sheekh Cabdul Xaq in Xarunta Maddaxtooyadda Somaliland agagaarkeeda ay kaga tageen Nin kale oo Saaxir ah oo la shaqaynayay kaas oo in Mudo ah Joogay,Isla markaana ku Xidhnaa Geed Madaxtooyadda u dhow isagoo iska dhigaya nin Waalan.
Xogwarankan oo aad u Dheeraa Waxa uu Sheekh Cabdul Xaq Marka hore kaga hadlayay Qaabka uu dadka u dabiibo,Dariiqada uu u Maro,Iyo Arrimo badan oo Ku taxaluqa hawlahan Jin la dirirka amase Sixirka iyo Isha.