“Waxaan farax iyo rajo badana aan ka qaaday ruux dumar ah,oo qoorteeda Silis dahab ahaa ka soo furtay cod geesinimo leh ku tidhi quruxda qoortayda waxaa ka qiimo badan quruxda Jidkayaga.” Wasiir Xirsi
Hargaysa 18.October 2013 (SDN)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka dareen celiyay sidii shucuurtiisu isu bedeshay markii uu arkay dadweynaha Ceerigaabo oo kala hororsanaya qaadhaanka ay ugu deeqayaan jidka dheer ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo dhawaan madaxweyne Axmed Siilaanyo dhagax dhigay.
Wasiirka Madaxtooyadda ahna Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta jidka Ceerigaabo ayaa ka mabsuuday sida ay reer Ceerigaabo uga go’an tahay inay kaalin shariif ah ka qaataan hirgelinta arrintaasi, waxaanu yidhi “Waxay ahayd Arbacaddii ka dib markii dareenkaygu is bedalay aanan mar kale go’aan adag ku sii qaatay in aan u tafa xaydano hirgalinta waddada isku xidhi doonta Burco iyo Ceerigaabo oo sanado badan dayacan.”
“Waxay ahayd shalay ka dib markii aan fagaaraha khayriyada ee Ceerigaabo aan kala hadalnay bulsho weynta ku dhaqan degmada Ceerigaabo annagoo uga dan lahayn dardar galinta iyo diyaar garaynta Bulshada degmada Ceerigaabo in ay si mug leh uga qayb qaataan waddada sanadaha badan curyaamisay horumarkii Gobolkaasi lahaa.Waxay ahayd Arbacadii ka dib markii lacag dhisi karta ku dhawaad 2km
Daqiiqado kooban gudahood lagu yaboohay.”
“Waxay ahayd shalay ka dib markii kumanaan iyo kumanaan xoolo ah lagu balan qaaday si loogu dhiso dawga Burco iyo Ceerigaabo “ Wan kaaga ku Wanaaji Wadadaada” wuxuu kamid ahaa hal ku dhagyadii ay isku dardar galinayeen bulshada ku dhaqan Guud ahaan Gobolka Sanaag,”ayuu yidhi Wasiirku sida lagu daabacay mareegtiisa guusha.com, waxaanu intaas ku ladhay “Waxay ahayd uun shalay ka dib markii guud ahaanba dareenkaygu is badalay farax iyo rajo badana aan ka qaaday ruux dumar ah markay qoorteeda Silis dahab ahaa ka soo furtay isla markaana cod geesinimo leh ku tidhi quruxda qoortayda waxaa ka qiimo badan quruxda Jidkayaga.”
Wasiirku waxa sheegay in dadweynaha reer Ceerigaabo ay jidkooda ku tuntuunsanayaan si aanay haweenku u umul raacin, waxaanu yidhi Waxay ahayd uun shalay kadib markay reer Sanaag go’aan cad ku sheegeen in aanay u dul qaadan doonin gabadh dambe oo umul aroorta.Waxay ahayd uun Shalay kadib markay Kumaanan waraaqo “Contribution” ah ku soo buuxiyeen lacago ay ku yabooheen bulshada reer Ceerigaabo in kamidana lacag cad ku dhiibeen “Cash”
Waxay ahayd maalin qiimo badan, dareen badan, go’aan badan, qiimo badan.Insha Allah waynu dhisan karnaa waynu qabsan karnaa hadii Alle inoo ogolaado oo aad idinkuna dedaalka iyo qalbi wanaagaa aad hada ku qaabisheen sii wadaaan.Wa Bilaahi Tawfiiq ,”ayuu ku soo gunaanaday Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com