” Waxaan dhisayaa xukuumad karti leh oo lagu kalsoonaan karo” Ra’isal Wasaaraha Cusub ee Somalia
Muqdisho 22.Dec 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu dhisi doono xukuumad karti leh oo lagu kalsonaan karo.
Raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ballan-qaaday samaynta xukuumad ka ballaaran tii dhowaan kalsoonida lagala noqday. Wuxuu sheegay inuu ku howlan yahay dhisidda xukuumad diyaar u noqon karta horumarinta dalka.
Cabdiweli Sheekh ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ku sheegay inuu xoogga saari doono amniga, xasilinta dalka iyo dhisidda ciidan qaran oo soo ceshan kara kalsoonida ummadda.
Cabdiweli Sheekh oo ah dhaqaaleyahan ku cusub masraxa siyaasadda Soomaaliya ayaa shalay oo Sabti ahayd waxaa si aqlabiyad ah codka kalsoonida u siiyay golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com