“Waxaan Dhidibka U Aasaynaa Mushtamac Dimuquraadiyad ah oo Somaliland Wada Leedahay oo Qabiil ahayn..” Cali Khaliif Galaydh DAAWO
Hargaysa 25. June 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay inay qarka u saaran yihiin wadahadallada Somaliland iyo Khaatumom u socdaa in la isla gaadho arrimo masiiri ah, isla markaana la dhiso Mushtamac dimuquraadiyad, nabad iyo wax wada-lahaansho laga hirgeliyo Somaliland oo aan Qabiil iyo koox toona gaar u ahayn oo Somaliland u dhantay.
Prof: Galaydh oo Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu arrimo kala duwan oo muhiim ah ku faaqiday kula hadlay Siyaasiyiinta iyo Shacabka Somaliland, Siyaasiyiin ay isku beel yihiin oo qaddiyaddiisa ka soo horjeeda, Maamul-goboleedka Puntland oo faro-gelin ku haya iyo weliba dawladda Federaalka Somaliland.
Waxa uu Cali Khaliif Galaydh oo hadal dheer ka jeediyey Munaasibad Casho iyo Afur ah oo Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa oo uu dhawaanahan ku sugnaa loogu sameeyey oo lagu maamuusay isaga iyo Masuuliyiinta weheliya, ayaa farriin u diray Maamul-goboleedka Puntland oo uu sheegay inay arrimaha gudohooda xalliyaan oo aanay Bulshada Sool iyo Cayn ku khaldin Abtirsiimo aan la hubin, sida uu hadalka u dhigay.
Cali Khaliif Galaydh waxa uu sheegay inay Danta Bulshadooda u arkayaan Somaliland-nimo iyo inay Somaliland wax la qabsadaan, waxaanu sheegay inay dhisayaan Mushtamac Dimuquraadiyad iyo wax wada-lahaansho ku dhisan iyo horumar oo ay xoogga saarayaan in Somaliland laga hirgeliyo.
Waxaannu Khudbadda dheer ee Prof: Cali Khaliif Galaydh oo arrimahaas iyo kuwo kale oo dhawr ah sharraxaad iyo faahfaahin ka bixinaya, waxaannu Khudbaddiisa oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-