“Waxaan dhawaan ku Qalabayn doonaa Ciidamada Booliska Diyaaradaha Helu-kabtarka” Wasiirka Arrimaha Gudaha {DHAGAYSO}
Hargaysa 23.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waranacade oo ka Hadlayay Munaasibad uu ku Wareejinayay 7 Gaadhi oo ah kuwa Gurmadka Degdega ah isla markaana loogu talo galay Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka ayaa ciidamada booliiska ku amaanay waajibaadka qaran ee ay hayaan isagoo tilmaamay in deeqda gaadiidka ah ee ay maanta ku wareejinayaan in ay la xidhiidho horumarinta xukuumadu ugu jirto tayaynta qalabka ay ku hawlgalaan ciidamada booliisku waxaanu intaa raaciyay in gaadiidka ujeedada ay u bixiyeen in ay tahay sidii loo yarayn lahaa shilalka gaadiidka ee xiliyada dalkeena ku soo badnaya .
Wasiirku Waxaa kale oo uu sheegay inay Gaadiid noocan oo kale ah gayn doonaan Gobolada dalka waxaanu balanqaaday inay keeni doonaan Diyaaradaha Qumaatiga u kaca oo Ciidamada Boolisku ku hawl geli doonaan kuwaas oo dhexda ku soo Jira.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalkii Wasiirka arrimaha gudaha
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Warancade23n.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com