“Waxaan Dalka u imid inaan Bulshada la wadaago dhibta Tahriibka, Waayo? Qurbaha Anagaa Xog ogaal u ah…” Deeqa M. Soomajeeste
Hargeysa, 04 January, 2016 (SDN/QJ): – Deeqa Maxamed Soomajeeste oo ka mid ah Aqoonyahannada Da’da yar ee Somaliland, ayaa soo gaadhay Magaalada Hargeysa si ay u bilowday Wacyi-gelin ay doonayso inay kaga qayb-qaadato yareynta Tahtiibka.
Deeqa oo ah Gabadh Qoraaya, ayaa sheegtay inay ka xun tahay in dhallinyarada oo ah Xooggii Somaliland ay si Macno daro ah ugu dhimanayaan Badaha, iyaga oo naftooda u halligeya inay gaadhaan Waddamada Qurbaha oo ay sheegtay inay Xog-ogaal tahay Nolosha taalla.
Deeqa oo Saxaafadda kula hadashay Hargeysa, ayaa iyada oo ka waramaysa Ujeeddada Socdaalkeeda Somaliland tidhi, “Waxaan dalka u imid inaan bulshada la wadaago dhibta Tahriibka, Waayo? waxaan ahay Muwaadinad u dhalatay Somaliland, waxaan ka adkaysan waayay sida xooggii Bulshadu u madhanayo iyadoo aan loo waayin xal isla-markaana si kasta loo baajin karo tirada badan oo tahriibaysa.”
Deeqa Soomajeeste oo sii hadlaysa, ayaa sheegtay, “Somaliland waa Dal Nabdoon oo deggen, isla-markaana fursado badani yaalaan, sidaa darteed ma jirto sabab loo Tahriibaa, Qurbahana waxa ka jira anagaa xog ogaal u ah oo nolol qiime leh laguma haysto mana jirto meel la qiimo ah dalkaaga hooyo, waana arrin aan go’aankeeda anigu qaatay in aan wacyigalin iyo dadaal ka sameeyo sidii loo yarayn lahaa tahriibta anigoo aan cidna waxba kaga doonayn illaahay mooyaane”ayay tidhi, oo dhawaana Magaalada Hargeysa ku soo bandhigi doonta Buug ka hadlaya Aafada Tahriibka.