‘’Waxaan Caaqilka iyo Xildhibaanka ku Wareejinayaa 200 oo Kaadhadhka Codbixinta Doorashadda+ Waxaan Xisbiga Waddani u Sheegayaa in Kaadhadhkii Deegaankan aan Gacanta anigu ku hayo ee Ha ku Soo Lu’go’ina’’ Fadeexada Urursiga Kaadhadhka Codbixinta & Mas’uul Xisbi oo Arrintan ka Badheedhay DAAWO
Berbera 06 November 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Maxamed Cali Dheere oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Berbera kuna Jira Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye oo uu Weheliyo Chief Caaqil Xasan Shaqale ayaa Xili ay Kormeer ku Marayeen Maalintii Shalay Deegaano ka Tirsan Gobolka Saaxil Waxa lagu Wareejiyey Xildhibaan Maxamed Cali Dheere 200 oo Kaadhadhka Codbixinta Doorashooyinka Somaliland .
Xildhibaan Maxamed Cali Dheere ayaa Sheegay in Isaga lagu soo Wareejiyey 200 oo Kaadhadhka Codbixinta ah Isagoo ugu baaqay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani in wax cod ah aanay ka helayn deegaankan halka uu Isagu mariyana ay mari doonaan.
Maanta ayay ahayd Markii Ciidanka Boolisku gacanta ku soo dhigeen Xubno Xaafad ka mid ah caasimadda hargaysa ka soo Uruursaday Kaadhadhka Codaynta iyadoo Taliska Boolisku ay sheegeen inay Talaabo ka qaadi doonaan Cid kasta oo talaabo tan la mid ah ku kacda.