|

“Waxaan Bulshada ku Baraarujinayaa inay qaataan Talaalka dabaysha” Madaxweyne Siilaanyo {DHAGAYSO}

Hargaysa 19.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qaatay labadii dhibcood ee talaalka cudurka dabaysha ee da’ kasta talaabadaas oo dhiirrigelin u ah guud ahaan shacabka somaliland oo laga doonayo inay qaataan talaalka dadka waaweyn iyo caruurta ee cudurka dabaysha oo maalinta berrito ee 20-ka bisha Okt si rasmi ah uga bilaabanaya Guud ahaan JSl.

Munaasabad shaqo maalmeed ah oo qayb ka ah bilowga talaalka dabaysha oo ay mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka iyo hawlwadeeno ka socday talaalka qaranku ay ku tageen xarunta qasriga madaxtooyada ayaa waxaa talaalka labada dhibcood ku qaatay Madaxweynaha JSL Md Axmed maxamed maxamuud (Siilaanyo) Oo markii uu talaalka qaatay hadalo kooban u jeediyey warbaahinta

 

Guji halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalka Madaxweynaha
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/odayaxmed.mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed