|

‘’Waxaan Anigu Noloshayda Ku Dabari Jiray Dawaarka oo aan bartay, Waxaan Markii danbe isku dayay dhinaca ganacsiga waxaan ka mid ahaa dadkii bilaabay Suuqa Shiraaqle ee Magaaladda Hargaysa’’ Hal abuur Maxamed Nuux Dacar

Hargaysa 01. June 2017 (SDN/QJ):- Hal abuur Maxamed Aadan Dacar Waa Mid ka mid ah Haldoorka iyo Foolaadka fanka Somalida Isla markaana wax badan ku soo Kordhiyey,Wuxuu Soo Taagnaa Masraxa Suugaanta Soomaalida Mudo Ka badan 60 Sannadood ilaa iyo hadana waxa uu ku jiraa bah’da suugaanleyda.

Maxamed Aadan Dacar Waa Midhe Sameeye suugaaneed,Sidoo Kale Waa fannaan luuq macaan waxaa intaas u dheer waa Shakhsi Ilaahay hibo u siiyay qaabka Jiliinka masraxa riwaayadaha isagoo hantiya quluubta dadweynaha daawanaya riwaayadaha uu ka qayb qaato.

Maxamed Aadan Dacar ayaa Xog waran aad u dheer siiyay Barnaamijka Baro oo Ku dayo Muwaadinkaaga danta guud waxa weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay ee uu soo saaro aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin Wuxuuna uga waayo waramay dhacdooyin aad u xiiso badan.

Hal abuur Dacar ayaa ugu horayn ka hadlay Goortii uu dhashay,Halkii uu ku dhashay iyo Deegaanadii uu ku soo barbaaray ‘’ Waxaan Dhashay Sanadihii Afartameeyadii anigoo ku dhashay deegaan la yidhaa Kumbis gaab oo Miyiga oo u dhow Nus dariiqa oo ka tirsan dhulka Ismaamulka Somalida Itoobiya, anigoo yar ayaan miyiga ka imid oo Magaalo imid waxaan ku soo horeeyay Magaalada Awaare Waxaan imid hadana Hargaysa waxaan uga sii gudbay Magaalada Berbera halkaas oo ahayd Meeshaan odhan karo waxaad ku noqotay Ilbax’’

Maxamed Aadan Dacar Mar uu ka hadlayay Bilowgiisii dhinaca Suugaanta waxa uu Xusay in Markii uu Miyiga ku noolaa ay bulshadu lahayd Ciyaaro hido iyo dhaqan ah deegaankii uu ku noolaana laga ciyaari jiray dhaantada iyo baar cadaha taasina ay u sahashay in isagoo Jira 5 Jir uu aad u bartay arrimaha dhaqanka oo xidhiidh la leh suugaanta.

Hal abuur  Dacar waxaa Kale oo uu Xusay in Bulshada somalidu aanay lahayn fan  u gaar ah isagoo taas ku macneeyay in aanay lahayn qalabka la tumo ee Muusiga oo dhamaantiiba inagaga Yimid sida uu yidhi carabta iyo Hindida hasa yeeshee waxa uu sheegay in fanka rasmiga ah ee aynu gaarka u leenahay Ciyaar dhaqameedka iyo Gabayada ,Waxaa kale oo uu Xusay in Marka la eego deegaanada ay degto Somalidu ay xudunta fanku ahayd Magaaladda hargaysa oo ay ka hano qaadeen Kooxdii u horaysay ee Walaalo Hargaysa oo ay sameeyeen ilaahay ha u naxariistee C.laahi Qarshe, iyo Shakhsiyaad kale oo uu ka mid yahay Gu’roon Jire.

Maxamed Aadan Dacar Waxa kale oo uu ka hadlay Markii uu Fanka soo Galay & Xaaladihii xiligaas ay fannaaniintu ku noolaayeen ‘’Anigu Meel hoose ayaan fanka ka soo galay halka ay dadka qaar nasiib u heleen inay fanka ku soo biiraan iyadoo Tiyaatar dhisan yahay,Muusig Jiro isla markaana ay Jiraan Kooxo fannaaniin ah, Waxaa Kale oo aan Kuu Sheegayaa in aanan weligay fanka ka dhigan Shaqo waayo Ragii aan ugu imid markii aan fanka soo galayay waxaa ka mid ah Ismaaciil Cabdi Basbaas,Xuseen Aw Faarax, Saxardiid Jabiye, Ismaaciil Cagaf,Cali Sugule dhamaantood wasaarado kale ayay u shaqaynayeen waxayna ahaayeen dad aad u wanaagsan markaas iyaga ayaan ku dayday oo aan raacay dhaqankoodii Waxaan anigu Noloshayda ku dabari jiray Dawaarka oo aan bartay Waxaan Samayn Jiray oo Weliba aan ugu Wanaagsanaa dharka raga iyo kuwa dumarka, Waxaan Markii danbe isku dayay dhinaca ganacsiga waxaan ka mid ahaa dadkii bilaabay Suuqa Shiraaqle ee Magaaladda Hargaysa ilaa iyo Maantana Fanka iima noqon shaqo rasmi ah, Balse Waa Hiwaayad aan Xiise gaar ah u hayo’’.

Maxamed Aadan Dacar Waxa uu Sheegay in Kacaankii Siyaad bare hogaaminayay uu dhibaato badan gaadhsiiyey bulshadii uu ka midka ahaa isla markaana fannaaniin badan oo Halkan (Hargaysa) Joogay oo ay ka mid ahaayeen Gu’roon Jire,Cali Dheere,Cismaan Gacanlow,Maxamed Yuusuf Cabdi, Maxamed Axmed Kuluc,Shamis Abokor Guduudo Carwo,Faadumo C.laahi Kaahin ‘’Maandeeq’’ dhamaantoodba laga qaaday Hargaysa oo la geeyay Xamar.

Waxaanu xusay in Fannaaniintaasi ay Idaacada Radio Hargaysa ku Tiirsanayd Suugaanta ay sameeyaan,Waxa uu dacar intaas ku daray in Markii danbe Radio Hargaysa la keenay loona soo Magacaabay Idiris Cigaal oo Maamule ka noqday isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu Yidhi ‘’Idiris waa la Tijaabinayay inuu Maamule idaacada ka noqon karo iyo In kale Marka Idiris wuxuu ahaa weriye weyn oo weliba reer hargaysa ah,Wuu fikiray Maadaama aanay Jirin Cid Idaacadii Suugaanteeda samaysa Wuxuu u Yimid intayadii Joogtay Wuxuu markaas sameeyay Barnaamij aad loo wada Jeclaystay oo ahaa Heesaha Hirgalay Xaga Muqdisho ayaa Markii hore laga bilaabay laakiinse waxaynu kaga horaynay dhinaca tiyaatar ku soo bandhigida,Wuxuu nagu Yidhi Idiris waxaan doonayaa inaad dhaqankii ila dhistaan oo aan furno heesaha Hirgalay Waxaa Barnaamijkaas Ka Soo Baxay fannaaniin badan oo Maanta magac leh Bulshadoodda Codkoodana aad loo Jeclaysto’’

Hal abuur Dacar oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi ‘’Markii danbe Idiris dhul ayuu noo weydiiyey dawladii markaas jirtay si Kooxdayadan fannaaniinta ahi ay isugu Yimaadaan oo ku Shiraan waa la soo siiyey dhulkii Cashuurtiina wuu Bixiyey Wuxuu nagu Yidhi Waxaynu ku dhisaynaa Iskaa wax u qabso Markaas 4 Qof ayaa Heesaha Hirgalay Lagu Tartansiiyaa Waxaana labada soo baxa ee guulaysta ayaa la siin Jiray min 20 Shilling wixii soo hadha ee Kooxdu qaybsan lahayd wuxuu yidhi waxba kama jiraan Waayo wuxuu rabay in Lacagtaasi gasho dhismaha gurigaas, aqalkaas anaga ayaa Kuuli ka ahayn sidii ayaana gurigii lagu dhameeyay,Gurigaas lama wada lahayn ee intii berigaas joogtay Hargaysa ayaa lahayd’’

Wuxuu Hal abuur Maxamed Aadan Dacar tilmaamay in Fannaaniintii wakhtigaas Joogtay ay ahaayeen Kuwo kala danbeeya oo Is ixtiraama Isla markaana Bulshada dhexdeedda ku lahaa Sumcad gaar ah isagoo taas badalkeeda barbar dhigay fannaaniinta Maanta Jooga oo wax badan uu ku Saluugay.

Xogwarankaas oo Dhinacyo badan leh wuxuu kaga hadlay amuuro kala duwan oo Ku wajahan Nolosha uu Maanta ku Nool yahay iyo Xaalada fannaaniintii ay isla wakhtiga ahaayeen oo uu in badan oo ka mid ah Xuquuqdooda u dhaqdhaqaaqo.

Comments are closed