|

“Waxaan ahay Shakhsigii 1aad ee Mikirifoon Kaga Dhawaaqay Gooni Isu Taaga Jamhuuriyadda Somaliland” Xaaji Aadan Axmed Diiriye “Aadan Baradho”

“Intaan Ku Sigtay Nabadii Kumaan Sigan Dagaalkii intaas oo Jeer ayaa Nabadii la igu dili Gaadhay”

Hargaysa 03.July 2016 (SDN/QJ):- Xaaji Aadan Axmed Diiriye oo ku Magac dheer “Aadan Baradho” ayaa Markii Kowaad Waxa uu si Faahfaahsan uga hadlay Sooyaalkiisii Nololeed, Marxaladihii uu Ganacsigiisu soo maray iyo Kaalintii uu ka soo qaatay dib u dhiska qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Laga soo Bilaabo Xiligii Halgankii Iyo Marxalada Maanta ee dhinaca Horumarka.

Xaaji Aadan Axmed Diiriye Aadan BaradhoXaaji Aadan Axmed Diiriye “Aadan Baradho” Wuxuu ka mid yahay ah Haldoorka Ganacsatada Somaliland ee uu Ganacsigiisu soo ifbaxay Xili ay da’diisu ahayd dhawr iyo Labaatan Jir Waxaanu arrimahan kaga Xog waramay Waraysi Dhinacyo badan leh oo uu Siiyay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay Kaas oo uu soo agaasimay Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.

 

Ugu Horayn Xaaji Aadan Baradho Wuxuu ka hadlay Xiligii uu dhashay iyo Goobtii uu ku dhashay Isagoo Yidhi “ Waxaan dhashay 18-kii Bishii 11-aad 1949kii Waxaan ku dhashay Meel Miyi ah oo u dhow meesha uu iminka ka samaysan yahay Baliga Cali Aadan, Anigoo Lix Jir ah ayaa Magaalada Berbera la I keenay oo uu adeerkay ka shaqayn jiray,Jiilaalkii Magaalada ayaan iman Jiray Xiliga Gu’gana Miyiga ayaa la I gayn jiray Dhawr iyo Toban Jir Markii aan gaadhay ayaan Berbera Rasmi ku noqday” .

 

Xaaji Aadan Axmed Diiriye “Aadan Baradho” Waxaa la weydiiyey Qoys noocee ah ayaad ka Soo Jeedaa Waxaanu ku Jawaabay “Qoyskayagu aniga waxay ahaayeen Qoys reer Miyi ah oo Xoolo dhaqato ah,adeeraday badi Magaalada ayay Joogeen balse aniga Qoyskaga reer Axmed ahaan waxay ahaayeen reer miyi,Aabahay Wuxuu dhintay anigoo Markaas Sadex Jirsanaya”.

 

Xaaji Aadan Baradho waxa uu Mar kale ka hadlay Shaqooyinkii uu qabtay iyo Marxaladihii Noloshiisii Caruurnimo Waxaanu Yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya “Maadaama aan Agoon ahaa Wakhti hore ayaan Kaalin qaaday oo Shaqo galay,Maan helin Markii hore fursad Waxbarasho,anigoo dhawr iyo Toban-Jir ah ayaan Shaqada ka Bilaabay dhoofka Xoolaha Magaalada Berbera Waxaa kale oo aan bilaabay inaan Habeenkiina Wax barto Maalintiina Shaqeeyo Taas oo aan ku bartay Waxbarashadaydii Qur’aanka,Carabiga, Englishta iyo Xisaabta oo aan Runtii Meel Fiican Alxamdulilaahi ka Gaadhay, Markii danbe Wakiil Xoolaad ayaan noqday,Anigoo 22 Jir ah ayaan bilaabay inaan Ganacsade Madax bannaan noqdo oo Xoolaha dhoofiyo”.

 

Ganacsade Aadan Baradho Waxa uu Mar kale ka hadlay Sida uu Yahay Dhoofka Xooluhu Wakhtigan aynu ku Guda Jirno Wuxuu Yidhi“Xoolaha Dhoofkoodu hada ma xuma oo meel fiican ayuu marayaa Waxa Xoolaha inaga qaadan Jiray Sucuudi Arabiya Waxa soo raaca Yemen,Khaliijku ma badna Meesha Cumaan la yidhaa ayaa xoogaa lo’o ah inaga qaata,Sidoo kale Masar mar Mar ayay Geela inaga qaadataa,Yemen waatan dagaalo ka socdaan oo Wax Macno leh inagama qaataan Laakiin Sucuudiga sii fiican ayay Xoolaheenu ugu dhoofaan,Sidaad la socotaana Waa tii Mar Sucuudiga la inaga Xidhay Laakiin Halgan badan oo la Galay Waa lagu Guulaystay in Xayiraadii Xoolaheena laga qaado,Waxaanan odhan karaa Halgan aan ka yarayn kii dalka lagu xoreeyay ayaa arrintaas loo soo maray”.

 

Xaaji Aadan Axmed Diiriye “Aadan Baradho”  Wuxuu dib u Milicsaday Kaalintii uu ku lahaa dhismaha qarankan iyo Shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu unkayay Haykalka Dawladnimo ee Somaliland Waxaanu Yidhi “Dal Burburay ayaynu ku soo noqonay Waxaan ka mid ahaa dadkii markaas Joogay ee Odayaasha ahaa gaar ahaan waxaan ka mid ahaa Guurtidii markaas lagu sameeyay dalka dibadiisa (Itoobiya) Waxaanan ka mid ahaa dadkii lahaa fikirkii Lagu aasaasay Guurtida Somaliland,Markaas Dhibtii Jirtay Sidii Wax looga qaban lahaa Xil iyo Waajib ayaa naga saarnaa,anigu Shakhsi ahaan Dagaaladii dalka ka dhacay kii Siyaad bare lagula dagaalamayay ayaan ka qayb qaatay intii kale oo dhan Nabadoon Hormood ah ayaan ka ahaa,Magacna Kumaan doonayn ee dadkayga ayaan wax u qabanayay,Waxaan kuu Sheegayaa in Halgankii dib u Xoraynta ee aan ka mid ahaa intii aan ku Jiray inta aan Ku Sigtay Nabadii Kumaan Sigan Dagaalkii Waayo intaas oo Jeer ayaa la igu dili Gaadhay Nabadii aan doonayay”

 

Xaaji Aadan Baradho Waxa uu ka hadlay Go’aanadii ka soo baxay Shirkii Beelaha Somaliland ee Magaalada Burco iyo Kaalintii uu ku Lahaa “ Anigu waxaan ahaa Qofkii Kowaad ee Mikirifoonka kaga dhawaaqay Somaliland, Laba Qaybood ayuu Shirku ahaa Qaybi waxay ahayd tii Beelaha Qaybina Waxay ahayd Ururkii SNM,Markaa Go’aanka ku Dhawaaqista Somaliland Gooni isu taageeda waxaa lahaa Beelaha,Halka Ururka SNM uu ka lahaa Ansixinta Go’aanka Beelaha, Anigu Waxaan ahaa Xoghayihii Shirka Markaa Ninkii 1aad ee Mikrifoon kaga dhawaaqay Gooni isu taaga Somaliland ayaan ahaa”

 

Xaaji Aadan Axmed Diiriye “Aadan Baradho” Wuxuu ka hadlay dareenkiisa Maalintii Ku dhawaaqista Dib ula soo Noqoshada Madax bannaanida Jamhuuriyada Somaliland iyo Farqiga Maanta u dhexeeya Waxaanu Yidhi “Dareenkayga Maalintaasi Wax la sheegi karo ma aha Waxaa kaaga Filan Cajaladii way taalaa ee hadii aad Dhagaysato Shucuurta aan Maalintaas ku hadlayay Maanta Sidii uma Hadli karo Waayo Shucuurta ayaa Kacsanayd oo Kolba Sida Dareenkaagu yahay ayaad u hadli kartaa,Ta kale Waxa weeyi maadaama aanu Nabadii ku Hawlanayn Waxa aanu fahamnay in Ciidan la’aan ama Dawladnimo la’aan aanay Nabadii Suurtogeli Karin,Markaas Dhismihii Ciidamada Booliska iyo Qarankaba waanu ka qayb qaadanay,Xaga Horumarkana ilaa maanta waanu la daba Joognaa,Waxaan ka mid ahaa Gudidii Aftida Distoorka,Tii wadooyinka ka mid baan ahaa,Gudidiii Dhismaha Biriijka labaad ee Hargaysa ka mid baan ahaa oo Gudoomiye ayaan u ahaa, Gudidii Markii Nabadu Gilgilantay ee Madaxweynihii Hore ee Somaliland Murxuun Cigaal iyo Markii Salaadiintu isa Seegeen iyana Gudoomiye ayaan u ahaa Markasta ilaa maanta Mutadawac-nimo ayaan u taaganahay” ayuu Yidhi Xaaji Aadan Baradho.

 

Dhinaca Kale Xaaji Aadan Axmed Diiriye Waxyaabaha uu kaga hadlay Xogwaranka uu Siiyay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinkaaga danta Guud waxa weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay waxaa ka mid ahaa inuu yahay Ganacsadihii Kowaad ee hindisay inuu dalka keeno Laba Wershadood oo Lagu Sameeyo Buugaagta ay ardaydu wax ku bartaan Iyo Mid soo saarta Waraaqaha Xafiisyada lagaga Shaqeeyo ee A4  oo Xiligii hore dibada la inooga soo Waaridi Jiray Isagoo ka hadlaya in Hadafkii uu lahaa uu Gaadhay iyo In kale Waxa uu Xaajigu Yidhi “Markii Hore ugumaan Talo Galin inay Somaliland oo Keliya Kefayso laakiin Waxaan ugu Talo galay inay Somaliland oo dhana Kafayso Isla markaana ay Dalalka Jaarka inala ah gaadho Markaa labada Wershadoodba way ka badan yihiin Baahideenii Wayna Gaadheen dalalka inala Jaarka ah Alxamdulilaah” ayuu Yidhi Xaaji Aadan baradho.

Xaaji Aadan Baradho ayaa Gunaanadkii Waxaa La Weydiiyey Wixii Talo iyo Tusaale aha ee uu u dirayo Bulshadii dal iyo dibadba Joogta ee u Garatay inuu ka mid yahay Halyeeyada ku dayashada Mudan Waxaanu Yidhi “ Markaan Shaqaynaynay Ujeedadayadu may ahayn aad Magac ku heshid laakiin waxay ahayd Sidii aan Dalkayga Wax ugu qaban lahaa,Ugu Horayn Markaas Waxaan u Mahadnaqayaa dadkayga Gartay ee ay la weynaatay iina aqoonsaday Muwaadin danta Guud wax weyn ka qabtay taas awalan waan uga Mahadcelinayaa,Sidoo kale Qoladiina arrintan isku hawshay ee Hawshan adag qabatay iyagana waxaan leeyahay ilaahay ha idinka Jasaa’i siiyo,Sababtuna Waxa weeyaan inagu had iyo Jeer waxaynu qofkeena qiimaynaa Marka uu dhinto,Waana kii Gaariye Sheegee Yidhi amaanta marka aan Dhinto aad I amaani doontaan iminka Inyar ii sii Qadima,Markaa Waxaabad  Moodaa inaad tii Gaariye AHN aad qaadateen,Sidaa awgeed Waxaan Dadkayga kula dardaarmayaa Danta Guud Hadii aanay Hagaagin Ta Gaar ahaaneed Ma Hagaagayso,ta Guudna iskama imanayso ee in laga Shaqeeyo ayay u baahan tahay” ayuu Xaaji Aadan Baradho hadalkiisa ku soo Gunaanaday.

Comments are closed