”Waxaan ahaa Wasiir Waxaan Shaqadaas uga Tagay Markii Loo Diiday Deegaanka Gobolka Hawd inuu Ka Dhex Tartamo Xisbiga Kulmiye” Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid DAAWO
Hargeysa 15. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka haatana ka mid ah Siyaasiyinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa Shacabka Gobolka Hawd uga digay inay ka Taxadiraan Talaabooyin uu Sheegay in lagu hawlan yahay kuwaas oo ah Sidii qofka Manfac yar loo Siin lahaa kadibna looga qaadan lahaa Kaadhkiisa Codbixiyaha.