“Waxaan aad u canbaaraynayaa xadhiga lagula kacay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Berbera” Xil.Yoon
Hargaysa 30,May,2014(SDN/QJ)- xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka caasimada Hargeysa ayaa si kulul u canbaareeyey xadhiga lagula kacay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada Berbera.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon ayaa waxa uu sheegay inaanay sharciga meelna kaga oolin in si aan sharciga waafaqsanayn loo xidho xildhibaanada dalka.
Ugu horayn xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon oo ka hadlaya xadhiga loo gaystay xildhibaanada ka tirsan golaha deegaanka Berbera ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan halkan aad uga canbaaraynayaa xadhiga lagula kacay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Berbera kuwaas oo ciidanku si aan sharciga waafaqsanay uga soo qabteen goob fagaare ah oo ay ka hadlayeen iyada oo laga dhigayo inay kiciyeen dadkii,mana waafaqsana sharciga iyo xeerarka dalka u yaala, waxaanad moodaa inay dawladu si kale u adeegsanayso sharciyadii dalka taas oo gacanteeda ku fulinaysa wax walba, sharciyada dalkana laguma hayo in xildhibaan si toos ah loo soo qaban karo oo ciidanku ay suuqa ka soo qabtaan ilaa marka la arko isaga oo fal gacanta kula jira mooyaane.” Ayuu yidhi xildhiban yoon
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la qiimeeyo xildhibaanada dalka iyo cid kasta oo masuul ah, fulinta sharcigana loo maro habka ay u banaan tahay waxaanu yidhi “Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku ma fadhiyayaan meesha haddii aanay ixtiraam cida la soo doortay sidooda oo kale, anigu kama hadlayo xisbiga Kulmiye iyo arimihiisa laakiin mid ayaa naga wada dhaxayso xildhibaano ahaan taas oo ah in sharciyada dalka u taala lagula dhaqmo hogaanada dalka iyo cid kasta oo masuul ah, haddii la qiimayn waayo xildhibaanada la soo doortay cidina qiimayn mayso kuwii iyagana la doortay, sida loo doortay madaxweynaha ayaa golayaasha deegaanka dalkana loo doortay sida loo qiimaynayana waa naloo qiimaynayaa, madaxweynahana waanu qiimaynaynaa laakiin inay xukuumadiisu ku tacadido oo ay xeerarkii dalka si kale u adeegsato ma ogolin raalina kama nicin.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay xildhibaan
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com