|

“Waxaa socda qorshayaal lagu dar dar gelinaayo dib u xureenta dalka” Wasiirka Gaashaandhiga Somalia

Baladweyn 10.Aug (SDN) Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ku sugan magaalada baledweyne ee xarunta Gobollka Hiiraan ayaa waxaa uu sheegay in guud ahaan deegaanadda Gobollka Hiiraan laga saaraya kooxda Al-shabaab.

“dowladda Federaalka waxa bilawday bishii dhamaatay inay mushaar siiso ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee Hiiraan, bishaanna waa la siinayaa si loo dar dar geliyo howlgalada ka dhanka ah Al-qaacida, waxaa socda qorshayaal lagu dar dar gelinaayo dib u xureenta dalka, buulo burde iyo jalalaqsi ayeey gaari doonaan ciidamada” Fiqi ayaa sidaasi yiri.

Waxaana uu hadalkaani ka soo yeeray wasiirka Gaashaandhiga Mudane Fiqi markii uu maalintii shalay booqasho ku tagay xerada Lama Galaay oo uu indhahiisa ku soo arkay inay ciidamada maamulka Gobollka Hiiraan ay yahiin kuwa aad u tababara.

Waxaa maalintii shalay ay gaareen wafdi ka socday Jabouti xerada Lama Galaay oo ay wahlinayaan masuuliyiinta Gobollka iyo wafdigii uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayay ciidamada maamulka Gobolka Hiiraan soo bandhigeen xeeladaha dagaalka oo ay aqoon u leeyahiin iyo Shiishka ama Liifka.

Intaasi kadib ayaa waxaa la arkayay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo afka isku qaban la’a aadna ugu faraxsan sida ay u tababaran yahiin ciidamada maamulka Gobollka Hiiraan, taasoo maanta keentay inuu ku dhawaaqo dagaal ka dhan ah Maleeshiyaadka Shabaabka.

Baladweyn SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

 

 

Comments are closed