“Waxaa Qorshaha Miisaaniyada Sannadkan noogu Jira inaanu Kordhino Mushaharka Shaqaalaha Dawlada” Wasiirka Maaliyada {DHAGAYS0}
Hargaysa 02.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa Sheegay in Mudadii ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo hogaaminaysay uu Kor kac balaadhani ku Yimid Miisaaniyada Qaranka taasina ay tahay ta Suuro gelisay in Shaqaalaha dawlada iyo Ciidamada kala duwan loo kordhiyo Mushahaarooyinkii ay qaadan Jireen.
Wasiirka Maaliyada ee Somaliland waxaa kale oo uu Shaaciyay Markii u horaysay in Mudadii uu Xilka wasaaradan hayay ay u qorshaysan tahay inuu Mar kale Mushahaarada u kordhiyo Shaqaalaha dawlada iyo Saraakiisha Ciidamada ee helay darajooyinkii qaranka.
Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa hadalkan ka Jeediyay Barnaamijka Maqal dadkaaga ee Wasaarada Warfaafintu soo qaban qaabiso iyadoo Su’aalo Xiiso badan oo daran doori ah ay halkaasi ka weydiiyeen dadweynihii ka qayb galay oo qaarkood sheegay inuu Wasiir Samaale Cadaalad daro ku kacay Mudadii Koobnayd ee uu wasaaradan hogaaminayay.
Hadaba Barnaamijkan oo Xiiso badan ayaa Shabakada Qurbejoog.com halkan idiinku soo Gudbinayso.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/samaale.mp3″]
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com