Waxaa power madaxweyne lagu ansixiyey Miisaaniyad yac-yacood ah oo cilmi feleg ah oo aan laheyn dhexroor iyo dhextaal midna
Waqtigii Xukuumada kulmiye ay xukunka dalka haleeshay misaaniyada qaranku waxay aheyd $ 50 million oo Dollar oo barakeysan. Sanadkii 2013 -kii way sadex laabeen oo waxay ka dhigeen $170 million dollar oo male awaal ah, sanadkii ku xigay oo ahaa 2014-kiina waxay ku odoroseen $ 212 Million Dollar, sanadkii inadhaafay ee 2015-kii way sii shaa-sheeyeen oo waxay ku bishileen oo ka dhigeen numberkii hore $ 251 Million dollar. Waxaa soo aduun la sedex laabay , la afar laabay oo Caasimada Hargeysi ay ka biyo la’dahay wax macne leh oo maadi ah may sameyn, waxaa keliya ee laga hayaa ama ka muuqda dalka oo dhan waa deyrar yar yar oo la wareejiyey iyo daaraha Wasaaradaha ee ay hayadaha caalamiga ahi dalka u dhiseen. Bal hadana waxaynu ka markhaati noqon doonaa Sanadkan cusub ee 2016 ka oo ay xukuumadii ku hadaaqday in boqolkiiba13% kordhiyeen miisaaniyadii dalka iyaga oo ku biyo dhiijin doona odoroska miisaaniyada dalka aduun gaadhaaya $298.280.174 Million Dollar.
Iyada oo lawada ogyahay in aanu qarankan Somaliland laheyn “Gunti Giijis Dhaqaale” iyadoo aanu dalku laheyn xog, xaqiiq iyo xili isku sar go’an, iyada lawada ogyahay in qorshaha ansixinta miisaaniyadu yahay qorshe wadareed mug leh oo waqti badan u baahan ayaa Madaxweynahu duuduub ku ansixiyey Miisaaniyad aan laga doodin, aan ku iman maskax tuujin iyo macne cokan taas oo aheyd mid macmal ah, cilmi feleg ah oo aan muud iyo miisaan isku sar go’an lahayn kuna saleysan oo keliya in dha-dhamo kasta dheecaan uun la siisto oo lagu tuujiyo Shacab weynaha JSL ee danyarta ah ee ay daashatay sicir bararku, biyo la’aanta, macaluusha, madmadowga badan iyo maamulka dawladeed ee ku saleysan kordhin danbe iyo dabo -dhahda daba socota. Kuye’ meelaha miisaaniyada sanadkan la saaraayo ahmiyada koowaad ee 2016-kan waa sidan:
1- Nabadgelyada
2- Dhismaha Wadooyinka
3- Daryeelka Caafimaadka
4- Dhulka iyo Beeraha
5- Tayenta iyo Fidinta maamulka
6- Doorashooyinka iyo Aqoonsi raadinta dalka
7- Dhiirigelinta Waxsoosaarka dalka
8- Maalgelinta madaniga iyo ka caalamiga ah
9- Dakhliga iyo Hantida dawlada.
Waxaa dhamaan liiskan sare ka maqan mashaariicdii muga lahaa ee Shaqo abuurka dhalinyarada Somaliland ee soo kala dhameysatay 25 -ka Jaamacadood ee dalka iyo 80 -ka Dugsi sare ee dalka ka jira. Waxaa meesha ka maqan Mashaariicdii muga iyo macnaha lahaa oo ku saabsanaaTayentii tacliinta hoose iyo tacliinta sare ee Qaranka Somaliland oo hada iska noqday buug buug sita iyo anba waan dhameeyey waxbarasho.
Miisaaniyadaa Yac-yacoodka ah ee Madaxweyne Siilaanyo ansixiyey kama muuqdaan baahiyaha u baahan in lagu bishilo ama lagu gufeeyo horumarka dhalinyarada Somaliland ee shaqo la’aantu ragaadisay. Waxaa aduunku isku raacay in marka horumarka dhalaanka iyo dhalinyarada la hagaajiyo ee la horemariyo ayaa dalka, dadka,degaanka iyo duunyadaba la horumariyaa oo horumar la gaadhi karaa. In kasta oo hawlwadeenada u xilsaaran hawlaha dhalinyarada JSL ay wax badan kaga hugmeen kagana hadaaqeen hadalo iyo hawraaro madhan oo macane iyo muud badan laheyn mikirifoonada ku hadla afka xukuumada hadana weli lama qaban hawl-maalmeedyo mug leh ( work-shops) oo fur furan, kala hufan oo fariin mug leh u xanbaarinaaya Dhalinyarada Somaliland ee tacadiga iyo tahriibta maciinsaday.
Waxaa Xukuumada Siilaanyo dhalinyarada Somaliland ay uga fadhiyaan in ay halka bugta u bogsiiso oo shaqooyin loo abuuro, waxay uga fidhiyaan hal-abuur cokan, dhaqaale u gaar ah, dhug dheer iyo dhaqasho wadaniyadi ku dheehan tahay oo noloshooda kor uqaada waxna ka bedela. Waxaa Dhalinyarada Somaliland xukuumada uga fadhiyaan in ay joojiso Dhiilo-hilashada dadban iyo dhaxal wareejinta Hantida maguuraanka ah ee ummadda Somaliland oo dhami wada daalacatay. Waxaa xukuumada looga fadhiyaa in ay joojiso jid-gooyada ay ku hayso geedi socodka qori isu dhiib dhiibka qadiyada qaranka Somaliland.
Allaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London