|

‘’Waxaa noo Yimid Siyaad Barre Wuxuu yidhi waxaad tidhaahdeen Siyaad barre in la dilaa waa Xalaal oo Waa Murtad,Culimaduu dilay,Shuuciyad buu dalka keenay, Iyo Wax la mid ah’’ Siyaasi Maxamed Cabdi Daa’uud iyo Sheeko Xiiso leh

‘’Waxay Lafoole ahayd meel uu Siyaad bare ugu Talo galay Xarfad isagoo doonayay in dhallinyarada reer Waqooyiga (Somaliland) oo kaga wanaagsanayd reer..’’

‘’Markii aanu Lafoole dhamaynaynay Waxaa na xidhay Siyaad Barre ‘’

‘’Waddaadadii diinta ina baray ee asalka ahaa ayaa xoogaa Muran ah ka keenay buugan,Markaas Buugan Culimadaas mooyee Cid hadal ka keentay Ma Jirto’’

Hargaysa 18.Aug 2016 (SDN/QJ):- Maxamed Cabdi Daa’uud Waxa uu ka Mid yahay Qorayaasha Reer Somaliland ee Sidoo kalena aqoonta durugsan u leh dhinaca diinta Waxaa kale oo Maxamed Cabdi Daa’ud uu Xilka Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex soo qabtay Xiligii Xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Maxamed Cabdi Daa’uud ayaa Markii Kowaad Waxa uu si Faahfaahsan uga hadlay Sooyaalkiisii Nololeed, Marxaladihii uu soo maray iyo arrimo kale duwan oo uu ku Muujiyey Waxyaabihii uu Bulshada dhexdeeda ka soo qabtay.

maxamed cabdi daa'uudMaxamed Cabdi Daa’uud Wuxuu ka mid yahay ah Shakhsiyaadka loo soo Xushay inay ka Mid yihiin Haldoorka Saamaynta ku dhex leh Bulshadiisa Isagoo arrimahan iyo Kuwo kaleba kaga Warbixiyey Waraysi Dhinacyo badan leh oo uu Siiyay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay Kaas oo uu soo agaasimay Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.

 

Ugu Horayn Maxamed Cabdi Daa’uud Wuxuu ka hadlay Xiligii uu dhashay iyo Goobtii uu ku dhashay Isagoo Yidhi “ Waxaan ku dhashay Magaalada Hargaysa 1954-kii,Waxaan Bilowgii Lixdankii ka galay Malcaamada Geed Goble halkaas Ayaan ka bilaabay inaan Qur’aanka ku barto,Waxaa kale oo aan Galay Iskuulkii Sheekh Baraawe (Ibraahin Baraawe) oo Mudo afar Sanno ah aan ku Jiray,Waxaan halkaas aad ugu bartay Luuqada Carabiga, Markii danbe Waxaa Yimid 1964-kii Masaaridii oo uu soo diray Jamaal Cabdi-Naasir (Madaxweynihii Xiligaas ee Dalka Masar) Waxay iibsadeen Malcaamadii Falaaxo Waayo waxaa hargaysa ugu Waaweynaa Malcaamadaha Falaaxo iyo Sheekh Baraawe,anigu waxaan ka imid Malcaamada Baraawe Imtixaan ayay iga qaadeen Waxay I geeyeen Class-kii 5aad oo ahaa kii ugu Sareeyay,Markii danbe Waxaan tegay Iskuulkii Dawlada Waxaan galay Dugsiyada Biyo-dhacayga Hoose,Biyo dhacayga dhexe Iyo Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ilaa aanu Markii danbe tagnay Xamar oo aan galay Lafoole Taas oo Marka Shaqada Qaranka la dhameeyo la geli jiray,Waxay Lafoole ahayd meel uu Siyaad bare ugu Talo galay Xarfad isagoo doonayay in dhallinyarada reer Waqooyiga (Somaliland) oo kaga wanaagsanayd reer Koonfureedka dhinaca waxbarashada uu ka dhigo Macallimiin si ay u dhisaan ardayda Ku Jirta Iskuulada’’

Maxamed Cabdi Daa’uud Wuxuu ka Sheekeeyay Qiso kala Kulantay Jaamacadii Lafoole ‘’Group is og oo heerkooda aqooneed aad u dhisan yahay Ayaanu ahayn Markii Xalane aanu ku Jirnay Waxaa nalala baryayay Waar kaalaya oo Jaamacada Daawooyinka soo Gala hasa yeeshee waxaan galnay Jaamacada Lafoole aniga iyo 3 Nin oo aad u heer sareeyay oo Somaliland u dhashay Ayaan ku wada Jirnay Markii aanu Lafoole dhamaynaynay Waxaa na xidhay Siyaad Barre ‘’

Maxamed Cabdi Daa’uud Wuxuu ka Waramay Sababta Xadhigooda Keentay iyo Wax lagu Haystay Waxaanu Yidhi ‘’Maanan Garanayn waxa nalagu xidhay waxaa naloo sheegay inaanu waxbarashada bedelayno,Markii nala Xidhay Waxaa noo Yimid Siyaad Barre Wuxuu yidhi waxaad tidhaahdeen Siyaad barre in la dilaa waa Xalaal oo Waa Murtad,Culimaduu dilay,Shuuciyad buu dalka keenay, Iyo Wax la mid ah,Waxaa Wax u akhrinaya Axmed Saleebaan Dafle oo Carabida ku wanaagsan Wuxuu markaas na weydiiyey waar miyaanaan ahayn kuwii la yidhi adeeca Isagoo daliishanaya (Adiiculaah Wa Adiicu Ras’uul Wa Ulil amri” ,dhinac kale ayuu hadana u kacay oo Siyaad barre wuxuu na yidhi waxaad tidhaahdeen Qabyaalada ilaahay ayaa baneeyay waxaanu ugu Jawaabnay Maanaan Odhan Waayo Raga reer Xamarka ah ee aanu Jaamacada Lafoole ku wada Jirnay Wax walba waanu kaga wanaagsanayn oo Xitaa Xarakooyinka diimiga ah wax ay ka Yaqaaneen may Jirin,anaga ayaa wax bari jirnay,Markaa Markay Yidhaahdaan Hebel Hebel ayaa Sidaa  sheegay Ayaan ku odhan Jirnay Waar dee Ilaahay Shucuuban wa Qabaa’ilan ayuu inoo Sheegee Qabiilkiina Sheega waxaas iyo wax la mid ah ayaa odayga ‘’Siyaad Barre’’ loo geeyay,adigu Waalidiintayadii oo aan nasan iyo rag uu Cumar Carte ka mid ahaa ayaa markii danbe ku guulaystay in nala soo daayo’’

Dhinaca Kale Maxamed Cabdi Daa’uud waa bio chemistry ka soo baxay Jaamacadii lafoole ah,kana Mid ahaa dhalinyaradi saxwada dacwada islaamiga horseedka ka ahayd,Wuxuu Qoray Buuga Caan baxay ee la yidhaa Hadimooyinka Qaadka Waxaanu Xusay in Markii uu dalka Yimid uu aasaasay Urur lagu Magacaabi Jiray Faaruuq kaas oo ka Shaqayn Jiray La Dagaalanka la dagaalanka Mukhaadaraadka Iyo ka hor taga Cudurka AIDS

‘’Waxaan Buugan Soo saaristiisa ka soo mutay inaan wakhti badan geliyo Sidii aan u heli lahaa Daraasado iyo Cilmi baadhisyo ku taxaluqa Taariikhda Qaadka,Buugani wuxuu ka hadlayaa Qaybta,Taariikhda,Qaybta Chemistry-ga,Qaybta Markay daawadu Jidhka Gasho ilaa Kaadida ay raacayso ,Waxaa kale oo uu Buugani ka hadlayaa Qaadka iyo Maandooriyeyaasha kale ee adduunka Jira iyo Sida ay u kala duwan yihiin ,Waxaa kale oo uu Buugani ka hadlayaa Walfida oo ah Cudur aanay bulshadeenu ogayn, Cutubka u danbeeyaa Wuxuu ka hadlayaa In Qaadku Xaaraan yahay iyo inuu Xalaal yahay iyo waxay diintu ka qabto Waxaa ilaahay Mahadii ah inaanu samaynay Xarun lagu dabiibo dadka Maskaxdooda uu dhibaatooyinka soo gaadhsiiyo Qaadku Waana Xarunta Sahan oo uu ugu horayn Sidii aanu ku samayn lahayn igala Tashaday Sheekh Aadan Siiro’’

Maxamed Cabdi Daa’uud Wuxuu Sheegay in Dadka Somaliland ay yihiin Bulsho Gob ah Isla markaana og Dhibka qaadka hasa yeeshee ay dantu u gaysay inay Shaqo ka dhigtaan waxaa kale oo uu xusay in Cida Qudha ee Buugiisa diiday ay Yihiin Qaybo ka mid ah Culimadii diinta ina soo gaadhsiisay ‘’Waddaadadii diinta ina baray ee asalka ahaa ayaa xoogaa Muran ah ka keenay buugan,Markaas Buugan Culimadaas mooyee Cid hadal ka keentay Ma Jirto iyagana xagii Mad-habkii isaga mid baanu nahay oo aniga laftaydu Qaadiri baan ahay,Ashacari baan ahay,Waxan soo Galeetiga oo dhan garan-waa Ayaan u aqaan,Markaas xagaas isaga mid baanu nahay Laakiin Bahalkan waxay u arkaan inuu xalaal yahay aniguna waxaan u arkaa inuu Xaaraan yahay’’

Maxamed Cabdi Daa’uud Waxaa kale oo la weydiiyay inay Jiraan Buugaag Kale oo uu Qoray Waxaanu yidhi ‘’Haa Walaal waxaa Jiray Buugii u Horeeyay ee aan Qoray Wuxuu ahaa Nin Axmed Idaad la odhan Jiray oo Reer Koonfur Africa ah iyo Buug kale oo isla ninkaasi qoray oo aan Turjumay oo la Yidhaa Baybalku ma yahay Hadalkii Ilaahay’’

Maxamed Cabdi Daa’uud Mar uu ka hadlayay Maamul Wanaaga waxa uu sheegay in Sadex Sanno ka hor uu Madaxweynuhu ku soo daray Gudida Diiwaangelinta Madaniga ah Kuwaas oo ka Koobnaa 15 Xubnood ‘’Maan ahayn Qolada Wasiirada balse qolada farsamada Ayaan ku jiray waxaan ka duulaynay sidii loo hagaajin lahaa in diiwaangelintu u noqoto mid anfacda dalka waxaana la soo saaray Kaadhka Diiwaangelinta oo Casri ah kaas oo lagu kala saarayo Muwaadinka iyo qofka ajaanibka ah,Waxaan anigu ahaa ragii haleelay ama soo saaray abtiriska Somaliland oo Qaab Computerised ah’’

Comments are closed