“Waxaa meesha ku jirta in Dawladda Turkigu, hadii la ismari-waayo ay Warbixin ka siiso IGAD IYO AU-da” Gudoomiye Xigeenka Guurtida {DHAGAYSO}
Hargaysa 25.Jan 2014 (SDN)- Gudoomiye xigeenka Guurtida Mudane Siciid Jaamac Cali ayaa Maanta Golaha Guurtida Warbixin Buuq iyo Sawaxan Abuurtay ka Siiyay Maxsuulka Wada Hadaladii Somaliland iyo Somalia ku dhex Maray Magaalada Istanbul ee Turkiga Gudoomiye ku Xigeenka oo ka jawaabayay Dhaliilaha Mucaaradku u jeediyeen Qodobada ka soo baxay Shirkii Turkigu waxa uu tilmaamay inay jiri karaan siyaabo kale dawan oo wax loo Fasiran karo, balse ay wada hadaladu guul us oo hooyeen Somaliland.
Mudanayaal badan oo u Holaday in Gudoomiye Ku Xigeenka Su’aalo Weydiiyaan ayaa loo diiday Taas oo Kor u Sii Qaaday Xaraarada Golaha oo Diidanaa qaarkood Qodob la Isku Mari la ‘yahay oo ku saabsan Xasuuqii Rajiimkii Siyaad Bare ka Gaystay Geyiga Somaliland.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalkii Gudoomiye ku Xigeenka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Gudoomiyexigeen25.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com