“Waxaa la Yidhi Xalku Wuxuu Noqonayaa Xadhig iyo Xabad,haday sii Xumaatana Waxay Keenaysaa in Xabadu Mar ka wada Bilaabanto Hargaysa,Berbera iyo Burco” Cali Guray DAAWO
Hargaysa 17.Oct 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ayaa Sheegay in Xukuumada Maanta Jirta ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ay tahay ta ugu neceb taariikhdii SNM,Isla markaana Golihiisa wasiirada ay ka madhan yihiin Mujaahidiintii u soo dagaalamay Xoraynta Waddanka.
Gudoomiye Cali Guray oo ka hadlayay fal ay Ciidamada RRU ku hor joogsadeen Xus ay fannaanada Sahra Halgan u samaynaysay Maalinta Shuhadadii ku geeriyootay Halgankii Dib u xoraynta qaran ayaa Sheegay in Dawladu ay Gacmaha ku qaadatay Shuruucdii iyo Kala danbayntii Waxaanu intaas ku daray in ifafaalaha Muuqdaa uu yahay Mudo Korodhsi taasoo keenaysa ayuu yidhi in Markii 1aad ay Somaliland ka samaysanto laba dawladood.
Hargaysa SDN/QJ