|

“Waxaa la i Weydiiyaa Maxaad Xirsi uga hadhay Waxaan Idiin Cadaynayaa Marka uu Furmo Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye inaan u Codayn doono halka ay u Codeeyaan” Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay Sababtuu isu Casili waayay DAAWO

Hargaysa 04.Nov 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Maanta Markii u Horaysay Waxa uu ka hadlay Sababta uu uga hadhay Xubnihii Wasiiradda ahaa ee Iska Casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay Saaxiibo Dhow ahaayeen.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo ka hadlayay Madal uu Maanta Xilka ku wareejinayay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Cadeeyay inay Saaxiibtinimadoodu Jiri doonto Isla markaana Marka uu Furmo Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye uu Codkiisa marin doono Halka ay Saaxiibadiisii ay Xukuumadda ku Wada Jireen u codayn doonaan oo aanu ka baydhi doonin Isagoo intaas ku daray inuu ka Xishooday inuu Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay uu iska Casilo.

 

Comments are closed