|

“Waxaa Khaldan Sida ay Xukuumadu u Wajahday Amaanka Magaalada Muqdisho” Gudoomiyaha Degmada Wada Jir

Muqdisho 14.Aug.2013 (SDN) Xili ay Qeybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho ay Daadsan yihiin wadooyinka ugu Mihiimsan Magaalada Muqdisho oo ay u Xiran yihiin Ciidamada Dowladda iyo hay’addaha Ajaanibta eek u sugan Magaalada Muqdisho.

Axmed Xasan Cadow Axmed Daaci oo ah Gudoomiyaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ugu Baaqay Xukuumada Somaaliya iyo cidkasta oo arintaasi wax ka Qaban karto in wadooyinka laga Qaado Dhagxaanta Daadsan oo ku Xiran.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in dhagxo aan lagu sugi karin ammaanka balse loo baahan yahay in ciidamada iyadoo aan la xirin wadooyinka ay xil iska saaraan amniga Magaalada caasimada ah.

Kadib weeraro iyo qaraxyo is xigxigay oo Al Shabaab ay ka gaysteen Xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa keenay in wadooyinka qaar lagu xiro dhagaxaan loogu tala galay ka hortaga weeraradaasi.

Wadooyinka iminka xiran ayaa waxaa kamid ah wadada ka timaada dhanka tarabuunka ee soo gasha Isgoyska Km4,halka wadooyin qaar oo gala Garoonka Muqdishana ay xiran yihiin.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed