”Waxaa Iga Dhintay 65 Neef oo Adhi ah,Awrkiina Naga Fadhiisay Ilaahay ayaa Wax Bixiyee Dawladu Waa Inay Gargaar Deg Deg ah nala Soo Gaadhaa” Hooyo Ku Darxumaysan Duruufta Abaareed ee Dalka ka Taagan SAWIRO
Hargaysa 14. December 2016 (SDN/QJ):- Dadka abaaraha ka soo barakacay ee yaala gobolka Gabiley iyo deegaanada hoos yimaada ayaa ah qaar inta badan ay xooluhu ka baxeen.
Midka mida hooyooyinka dadkaasi ay abaartu soo barakicisay ah oo warbaahinta la hadashay ayaa xukuumada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan si dareen taabashale uga codsatay maadaa xoolihii ay abaartu ka saartay in gurmad deg dega lala soo gaadho waxaanay tidhi “Neefka halkaasi fadhiya waa awrkii gaadiidka noo ahaa ee aanu biyaha ku dhaansaneyney, adhigiina bakhtigiisi tiraba shan iyo lixdan ayaa halkaasi jiifa, sacaa ay imika indhaahaagu qabanayaana waa kii noo irmaana, Somaliland hadii ay noo gurmaneyso oo ay wax na siinayso waanu u baahanahay, dawlada sharafta leh ee Jamhuuriyada Somaliland dadka wixii maalkiisu dhintay haday wax siineyso Ilaahaybaa wax bixiyee waa looga baahan yahay”
Abaaraha ka dhacay gobolada bariga Somaliland ayaa ah qaar saameeyay dad iyo duunyaba iyaga oo dadka abaartu saameysay, ee hayaanka ah oo intooda badani ay u soo hayaameen gobolada galbeedka Somaliland.
Dadkan hayaanka ah ee ay abaaruhu wadaan ayaa intooda badan xoolihii ay ka baxeen, ilaa hadana ma jirto cid wax gurmada oo muuqda amase la taaban karo u fidisay.
Waxaana loo baahan cidkasta oo gar-gaar gaadhsiin karta dadkaasi ay abaaruhu saameeyen in loo fidiyo gar-gaar bini,aadantinimo oo dhan walba ah.