|

Waxaa Bushaaro naga ah in Dhalinyarta Jaamacadaha Ka Baxday  Intooda Badani Heli Doonaan Fursado Shaqo

Hargaysa 07.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wasiirul Dawlaha Wasaarada waxbarashada oo Ka hadlay Xafladii Qallin-jabinta Jaamacada Adis-ababa University Oo Ka Dhacday huteel Maansoor Ee Magaalada Hargaysa, Wasiirul Dawlahu Waxa Uu sheegay In Maalmihii u dambeeyey Dhalinyartii ugu tira badnay oo qalin jabinayeen, Waxaanu Sheegay in tayada loo baahan yahay jaamacadaha si loo gaadho istaanderka caalamiga, Sidoo kale waxa uu sheegay in dhalinyarta reer somaliland heli doonaan fursado badan oo shaqo, Isaga oo sheegaya wasiirul dawluhu meelaha ay dhalinyartu fursadaha ka heli doonaan waxa uu sheegay in shirkada DP-world heshiis ay la JSl ay leedahay miisaan Culus Wax Badana Ka tari Doona Shaqo Yaraanta ay dhalinyaradu ka cabato.

Qallin-jabinta Jaamacada Adis-ababa UniversitySidoo kale waxa Uu wasiirul dawluhu ugu hambalyeeyay dhalinyarta in ay shaqooyin ka heli doonaan saddex shirkadood oo shalay yimid dalka Oo ah Kambaniyada Shidaalka Baadha Oo shalay lagu daah-furay wasaarada macdanta iyo tamarta jamhuuriyada somaliland, Shirkadahan Oo Kala Ah; Shirkada Rayo Gas, Shirkada Geral Enery, Iyo Shirkada La Yidhaahdo DNO.

Waxaanu Dhalinyarta qalin jabinaysay ku guubaabiyey in ay leeyihiin mustaqbal wanaagsan dalkeenuna uu yahay dalka aduunka ugu qaalisan, Waxaana uu sheegay in ay dhalinyartu yihiin xoogii dalka ee horumarka gaadhsiin lahaa.

Ugu Dambayntii waxa uu wasiirul dawlahu U soo jeediyey dhamaan jamaacadaha Dalka In ay qaataan arday soo dhamaystay dugsi sare shahaadadana sita, waxaanu cadeeyey dhalinyarta badanaa khasaariya jaamacadooda iyo waalidkii kusoo tabcayba in ay yihiin dhalinyarta aan soo dhigan dugsi sare ama shaadada dugsiga sare sidan in ay jaamacaha markay dhigtaan woxogaa ee ay la qabsan waayaan iskaga tagaa ay yihiin dhalinyartaasi.

Comments are closed