|

Waxa uu ku Afuray cunto ay Xaaskiisii Dhimatay u Sii Samaysay

Hargaysa 04. June 2017 (SDN/QJ):- Inan u dhshay Dalka masar ayaa bishan barakaysan ee Ramadaanta gudaheeda waxa uu maalin ka mid ah ku afuray cunto ay xaaskiisii oo dhimatay u samaysay ramadaantii hore.

Baraha xidhiidhka bulshada ee internetka ee Dalka masar gaar ahaan Group-ka loo yaqaano Comment faction ayaa la soo dhigay farriintaa ku saabsan sheekada inankaasi taas oo raad xun ku reebtay quluubta dadkii arkay ama daalacday, ka dib markii inankaasi uu maalintii u horaysay ramadaanta ku afuray cunto ay xaaskiisii dhimatay u diyaarisay muddo sanad ah ka hor, isagoo mudadaa labada ramadaan u dhexaysay ku kaydinayey Tallaagada.

Comments are closed