|

“Waxa Qalbiyada & Ducadeennu la jiraan Xubnaha Congresska..” Trump oo ka hadlay Xildhibaanno la Toogtay

Alexandria 15. June 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Stephen Scalise, ayaa lagu lagu toogtay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, oo dhinaca Koonfureed waxyar ka xigta magaalada Washington DC, sida ay Sheegeen Saraakiisha Booliska gurmadka deg-degga ah oo ay VOA soo xigatay.

Xildhibaan Scalise, ayaa laga toogtay Sinta, xilli Wakhtigaas oo ay Isaga iyo Xubno kale oo ka tirsan Sharci-dejinta Mareykanka isu diyaarinayeen Ciyaar Baseball oo sannadle ah oo la qorsheeyey inay Khamiista dhacdo. Waxaa la sheegay in xaaladdiisu tahay mid degan.

 

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan qof oo kale la dhaawacay. Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ka mid ah kaaliyaha Scalise iyo xubno ka shaqeeya xarunta congress-ka ee Capitol Hill.

 

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaareen rasaas ay Booliiska ku fureen. Waxa uu sheegay Trump inuu arrintan ka walaacsan yahay, waxaanu yidhi; “Waxaan aad uga walaacsanahay musiibadan.”

Comments are closed