|

“Waxa Muhiim Ah In Khaladkii Aynu Lixdankii Galnay, Aynaan Dib U Gelin,inta Nin ee la xidhay, inta dad qaxay iyo inta hanti duntay waynu aragnaa” Wasiir Xaglo-toosiye ”

Sweden 28.May 2015 (SDB/QJ)-  Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr.  Saleebaa Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo khudbad u jeediyay jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Sweden, ayaa ugu baaqay inay ka shaqeeyaan wadajirkooda iyo midnimada Somaliland, islamarkaana ay dib u xusuustaan dhibaatooyinkii loo soo maray qaranimada Somaliland.

xagloTaariikhada Somaliland waa taariikh aad u dheer, waxaanay bilaabantay 1884-kii markii guumaystihii Ingiriisku uu qaybta inoo helay ayay taariikhadaasi bilaabantay, dadkeenu waa dad qabweyn oo halgano kala duwan oo kala dambeeyay ayuu Ingiriisku la kulmay kuwo dagaal leh iyo kuwo af leh, 1960-kii baynu qaadanay xoriyada oo reer Somaliland hadaynu nahay bahal caadifad la yidhaahdo ayuu ILAAHAY inagu saliday, caadifadii dhagaha iyo indhaha la’ayad ayaa ina dhaxalsiisay shuruud la’aan in aynu Xamar ka degno, dabadeedna laba ilaa saddex Wasiir baynu helnay oo inaga oo leh Raysalwasaare, Wasiiro iyo Madaxweyne oo dal calan leh ah laba ilaa saddex Wasiir baa la ina siiyay, cadaalad darro xasuuq, dhibaato iyo yasid oo Soomaali qaldaan baa la inoo bixiyay, ma taqaanaan waxa Soomaali qaldaan la inoogu bixiyay oo ma is weydiiseen?, Soomaali qaldaan waxa la inoogu bixiyay dal dhan baynu inta aynu qaadnay nidhi hooya Soomaali baanu nahaye si bilaa shuruud ah. Wixii dhiig ku daatay, wixii aynu dhib u marnay, iyo wixii aynu Maandeeqada lahayn Nin baynu u geynayo oo nidhi hoyoo maal.” Ayuu yidhi Wasiirka caafimaadku

 

Wasiirka caafimaadka Dr. Xaglo-toosiye oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Halkaa markay marayso waxa bilaabmay halgan lagu saxayo khaladkii, SNM baa la asaasay SNM wey dagaalantay oo dad badan baa dhintay oo hanti badanbaa burburtay, dad badanbaa qaxay, laakiin 1991-kii 18 May ayaa khaladkii la saxay, 18 May maaha maalinta aynu xoriyada qaadanay ee waa maalintii la saxay khaladkii aynu galnay, 26-kii June baynu xoriyada qaadanay oo dal noqonay waan u ducaynayaa intii khaladka saxaysay ee SNM ahayd oo ILAAHAY ha u dembi dhaafo, intii gobonimada dhalisayna ha loo duceeyo ee daraawiishtu ku jirtay.” ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye

Waxaanu intaas ku daray “Waxase muhiim ah in khaladkii aynu lixdankii galnay aynaan dib u gelin, weynu aragnay khaladkii lixdankii aynu galnay qiimaha uu inoogu joogo inta qof ee inaga dhimatay, inta Nin ee la xidhay, inta dad qaxay iyo inta hanti duntay weynu garan karnaabaan u malaynayaa, khalad yar oo aynu galnay dhibka inaga soo gaadhay markaa khalad dambe yanaan dib u gelin, 18 Mayna taariikhadaas bay leedahay.”

Sweden, SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed